GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Wararkii ugu Dambeeyay ee Degmada Afgooye

Wararkii ugu Dambeeyay ee Degmada Afgooye

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in Xarakada Al-Shabaab ay siidaayeen maxaabiistii ku xirnayd xabsiga dhexe ee degmada Afgooye.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dareen feejignaan ah ay ka jirto degmada, dadkuna ay dhagaha u taagayaan is bedelada socda, kadib markii lagu arkay ciidamo badan oo dhinaca deegaanada loo barakacay ka yimid, iyadoo ay jiraan ciidamo kale oo u gudbay degmada Marko iyo Baraawe.

Maxaabiista ay Al-Shabaab ooda ka qaadeen ayaa loo haystay dambiyo kala gaddisan, waxaana ay caddeynasaa culayska baaxadda leh oo ay soo saareen ciidamada dawlada iyo AMISOM.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaabka ay geedi sii yihiin, maadaama ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku soo dhowaanayaan.

Balse waxaa jira wali deegaanno ka mid ah kuwa loo barakacay oo ay Xoogaga Shabaab ay ku suganyihiin halkaa oo lagu arkay gaadiidka dagaalka oo difaacyo kaga jira

Kala soco wixii ka soo kordha Geesguud News 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash