GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dabley hubeysan oo ganacsade Turki ah ku dilay Muqdisho

Dabley hubeysan oo ganacsade Turki ah ku dilay Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa xalay Hotel ku yaalla suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Fardow ku dilay nin ganacsade oo u dhashay dalka Turkiga.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Banaadir General Xasan Axmed Maalin oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ninkaas ay dileen kooxo dabley oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ninkaas uusan wax xiriir ah la soo sameynin maamulka iyo ciidanka markii uu soo galay Muqdisho.

Gen. Xasan Maalin ayaa sheegay ninkaas uu ka yimid magaalada Hargeysa kaasoo muddo saddex cisho ah ku sugnaa Muqdisho, balse aan ka warqabin ciidanka booliska, isagoo intaas raaciyay in ninkaas uu xiriir lalahaa ganacsade kale oo Soomaali ah oo ku sugan magaalada oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Sheekh Maxamed.

Taliyaha ayaa waxa uu kale sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen milkiilaha hotelka lagu dilay ninka Turkiga ah iyo Maxamed Deeq Sheekh Maxamed oo ahaa ninka dejiyay hotelka iyo xaaskiisa kuwaasoo uu sheegay in ay ku socdaan baaritaano.

Waa markii ugu horeysay oo nin ajnabi ah si bareer ah loogu toogto gudaha suuqaweyn ee Bakaaraha, waxaana jiray dilal loo geysaney dad Soomaali ah oo u shaqeynayey dowladda KMG iyo dad kale oo rayid ahaa, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo fuliyey dilalkooda, iyadoo qaarkoodna ay sheegteen inay ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab. 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash