GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo markale maanta booqasho ku tegey magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo markale maanta booqasho ku tegey magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Sh.Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdigan oo ka degey garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey xildhibaano,wasiiro iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Bay.

Illaa iyo hadda lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa booqashada wafdigan iyadoo ay tahay markii saddexaad ee uu guddoomiyaha baarlamaanka uu gaaro magaalada Baydhabo tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowlada oo gacan ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah.

Waxana wararka qaar ay sheegayaan in Shariif Xasan uu doonayo in maamul goboleed halkaas laga dhiso.

Booqashada wafdigan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada ka socda midowga Afrika ee AMISOM bilaabeen inay fariisimo ka samaystaan xarunta gobolka Bay ee Baydhabo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash