Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka bilowday xaafadda 11-ka ee magaaladda Hargaysa.
Dagaalkaas ayaa waxaa qaaday ciidamada RRU, SPU iyo kuwa Booliska Maamulka Somaliland iyadoona dhimashada iyo dhaawaca ay aad ubadan yihiin.
Ku Dhawaad Shan Ruux ayaa dhintay ilaa 10 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ciidamadan ay weerar xoogan ku qaadeen goob guryo ah oo ay isku haysteen dad.
Wararka Magaaladda Hargaysa ayaa sheegaya in ciidamada saakay weerarka qaaday ay sidoo kale xabsiga dhigeen ilaa 30 Ruux oo 10 kamid ah ay dhaawacyo culus yihiin.
Sidoo kale Waxaa xabsiga loo taxaabay Odayaal waan waan utagay halka uu dagaalku ka dhacay ee bariga Magaalada Hargaysa.
Xaaladda ayaa wali ah mid aad ucakiran waxaana dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in dagaalka uu salka lagalo arimo qabiilo.
Faah Faahin ma aysan ka bixin Somaliland weerarka ay saakay ku qaaday deegaanadda bari ee Hargaysa.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































