Odayaashii Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland uga qeyb galeysay Shirka Odayaasha Dhaqanka uga socda Magaalada Muqdisho ee lagu soo xulayo Ergayda Ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa maanta shirkaasi isaga baxay kana dhoofay Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Cabdi Qaadir Muuse Ciiro ayaa sheegay in Odayaashii Dhaqanka ee kasocday Maamulka Puntland ee shirka isaga baxeen Maanta una dhoofeen halkii ee markii hore kayimaadeen ee Puntland.
Xildhibaanka ayaa ku micneeyay sababaha Odayaasha Dhaqanka Puntland shirka uga baxeen kadib markii arkeen musuq maasuq iyo si ka badan sidii shirka loogu tala galay in lagu wado.
''Oadayashii Puntland kayimid Shirkii waa ka baxeen weyna ka dhoofeen Muqdisho kadib markii ee arkeen fashilka Dastuurka lagu wado in la ansixiyo iyo Musuq maasuqa ee meesha kawado Xukuumada KMG ee Soomaaliya '' ayuu yiri Daahir Ciiro.
Wali ma cada jiritaanka Warkan kasoo baxay Xildhibaan Ciiro mana jiraan wax war ah ee siiyeen Warbaahinta Odayasaha Dhaqanka Puntlnad ee la sheegay in Shirka ka baxeen.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Fraole ayaa warqad uu qoray oo la helay waxa uu si weyn uga soo horjeestay Dastuurka Qabyo qoraalka ee ladoonayo in la ansixiyo isgaoo faroole sheegay in Dastuurka ka buuxaan arimo badan oo Puntland wax u dhimaya.
si kastaba lama oga waxa xiligan kusoo beegay in Shirka Odayasaha Dhaqanka kabaxaan Odayaashii ka qeyb galayay gaar ahana kuwa Puntlnad iyadona horey u jireen odayaal kale oo shirka qaadcay kana baxay
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































