GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Proff Cali Khaliif Galeyr oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay

Proff Cali Khaliif Galeyr oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay

R/wasaarihii hore Soomaaliya Proff Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaarahada ah ee Aden Cadde xilli siyaasiyiin badan ay dalka dib ugu soo laabanayaan.

Proff Cali Khaliif Galeyr oo r/wasaare ka noqday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisey magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii aasaastay maamulka Khaatumo State ee dhowaan loogaga dhowaaqay deegaanka Taleex.

Illaa iyo hadda si cad looma oga ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa soo imaanshaha magaalada Muqdisho Proff Cali Khaliif Galeyr inkastoo uu dhowaan sheegay in uusan isu soo taageyn madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxa jira dadaalo badan oo ku aadan sidii maamulka Khaatumo State uu u noqon lahaa mid taabo gala isla markaana ka midnoqda maamulada la aqoonsan yahay ee ka jira dalka Soomaaliya.

Proff Cali Khaliif Galeyr ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha mas’uuliyiin ka socotay maamulka Khaatumo State eek u sugan magaalada Muqdisho.

Imaanshaha Galeyr ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo kulanka oday dhaqameedyada ee ay ku soo xulayaan guddigii ansixin lahaa dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya.

Waxana uu hore Proff Cali Khaliif u sheegay in uu ka soo horjeedo dastuurka cusub ee la damacsan yahay in uu yeesho dalka Soomaaliya isagoo codsaday in wax laga bedelo qaar kamid ah qodobada dastuurka

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash