Ururka Alshabaab oo dagaalo adag kula jira ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dhowaan ay weerar si gaar ahloo fuliyey ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Burundi.

Idaacada ku hadasha codka ururka Alshabaab ee Andulus ayaa waxa ay sheegtay in sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada Burundi lagu diley furumaha dagaalka ee Deyniile habeenimadii Talaadada. Ururka Alshabaab ayaa ku tilmaantay sarkaalkan in uu u qeybsanaa arrimaha howlgalinta ciidamada Burundi.
Ururka Alshabaab ayaa intaa ku daray in magaca sarkaalkan ay dhowaan u soo bandhigi doonaan saxaafadda. Hase yeeshee ma jiro cid madax banaan oo xaqiijisa sheegashadan ugu dambeysey ee ururka Alshabaab kamana hadlin dilka sarkaalkan ciidamada Burundi iyo AMISOM.
Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlaa meelaha ay isku horfadhiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMGaarka ah iyo ciidamada ALshabaab.
Hase ahaatee DKGaarka ah ayaa marar badan waxa ay sheegtay in ay ka saartay ururka Alshabaab dhammaan magaalada Muqdisho iyo dhowaana soo bandhigtey sawiro muujimaya R/wasaare Gaas oo booqasho ku tegey furimaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac ee degmada Deyniile.
Sheegashada ALshabaab ee dilka sarkaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamo badan oo kamid kuwa DKgaarka ah tababro loogu soo xirey dalka gudihiisa iyo dibadiisa isla markaana uu ku dhowaaqay wasiirka Gaashaandhiga inay qaadayaan weeraro culus.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































