Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax bambaano oo qasaare dhimasho iyo dhaawac geystay, kaasoo xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku lahaa Isgoyska Baar Ubax ee Wadada Sodonka.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa Bambaanada ayaa lagu tuuray meel ay fadhiyeen Ciidamada, halkaas oo ay ammaanka ka sugayeen, waxaana qaraxa kadib ay Ciidamada ay rideen rasaas.
Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan dowladda, halka labada kale ay shacab ahaayeen, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen labo bambaano oo lagu kala tuuray labo ciidan oo ku kala sugnaa Inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Masaajidka Xareed.
Raggii bambaanada tuuray ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo xaalada Isgoyska isu bedeshay mid kacsan, ganacsigii iyo dadkii ku fiidsanayay mar qura ay ku kala carareen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarada bambaano ee xalay lagu qaaday Ciidamada dowladda oo habeenadii u dambeeyay howl galo ka waday wadooyinka iyo qaar ka mid ah degmooyinka.
Dhowr cisho ka hor ayay aheyd markii qof Miino ku aasayay jidka Sodonka gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax ay ku qaraxday, inkastoo Ciidamada dowladda ay sheegeen inay rasaas ku fureen ruuxa miinada wadada ku aasayay.
Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa howl galada xilliyada habeenkii ka wadaan magaalada Muqdisho ah mid ay ammaanka ku sugaan, inkastoo ay dhacaan qaraxyo, weeraro gaatin ah iyo dilal qorsheysan
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































