GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Maydka Haweeney la gowracan oo lagu arkay Duleedka Degmada Hoosingoow

Maydka Haweeney la gowracan oo lagu arkay Duleedka Degmada Hoosingoow

Wararka aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in duleedka degmadaasi maanta lagu arkay meydka haweeney kamid ahayd dadka deegaanka taasoo gowracan, waxaana ilaa imika aan cadeyn sababta ka danbeeysay dilka haweeneydaasi.

Max'ed sheekh Cabdi oo katirsan saraakiisha dowladda ee gobolka Jubada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydaasi ay gurigeeda kala baxeen rag katirsan Al-shabaab, wuxuuna sheegay in meydkeeda oo gowracan ay soo dhigeen duleedka deegaanka Hoosingoow.

"Waxay kamid ahayd dadka Hoosingow ku nool, qof masaakiin ah oo haysatada 5-carruur ah oo agoon ah ayay ahayd, waxaa shalay galab la arkay meydkeeda oo gowracan, magaalada banaankeeda ayaa laga soo qaaday meydka oo madaxa ka go'a," sidaasi waxaa inoo sheegtay Hooyo ay Deris ahaayeen haweenayda la dilay.

Haweeneyda la gowracay ayaa lagu magacaabaa Suleeqo sheekh Yuusuf, waxayna ahayd 35 sano jir, iyadoona ay kamid ahayd dadka reer Hoosingoow, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in haweeneydaasi loo dilay si naxariis darro ah.

Dhanka xoogagga Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan arintaasi oo kasoo baxay, waxaana arintani ay welwel iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan Degmada Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee gobollada Jubooyinka lagu arko meydka ruux gowracan, haseyeeshee dilalka ceynkan oo kale ayaa ah kuwo aalaaba ka dhaca gobollada Jubooyinka oo ay isku hayaan xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanay kuwa ururka Raaskaambooni iyo Militariga Kenya

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash