Hogaamiyaha shabakadda Al-qaacida ayaa fariin cusub oo uu soo diray kaga hadlay arimaha Al-shabaab isagoo ku booriyey inay dagaalka sii wadaan islamarkaana ay u babac dhigaan caqabado kasta oo soo wajaha.
Fariintan oo Video ah islamarkaana lasoo dhigay bar internet ah oo ay isticmaalaan kooxo baareyaal ah oo la socda dhaq dhaqaaqyada xagjirka ayuu Al-zawahiri ku sheegay in Al-shabaab ay tahay inaysan ka weliwelin duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.
Waa markii labaad ee uu hogaamiyaha ururka Al-qaacida Sheekh Ayman Al-zawahiri uu fariin muuqaal ah usoo diro Al-shabaab tan iyo markii ay sida rasmiga ah ugu biireen ururweynaha Al-qaacida.
Waxayna kusoo beegmeysaa xilli Al-shabaab cadaadis mileteri oo xoogani uu dhinacyo badan ka saaran yahay islamarkaana laga qabsaday deegaano badan oo ay iyagu horay uga arimin jireen.
Ururka Al-shabaa oo dagaal kula jira ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ajaanibta ah ee ay xulafada yihiin waxay si rasmi ah ugu biireen Al-qaacida horaanta bishii Feb ee sanadkan
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































