GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Banaan bax maanta oo jimco lagu waday in Muqdisho uu ka dhaco oo la baajiyay

Banaan bax maanta oo jimco lagu waday in Muqdisho uu ka dhaco oo la baajiyay

Culumaa'udiin iyo qeybaha ururada Bulshada rayidka oo maalmihii la soo dhaafay ay qaban qaabinayeen banaan bax ballaaran oo maalinimada Jimcaha ka dhaca Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo Dastuurka ayaa maanta la baajiyay.

Sheekh Axmed Dhicisow oo ah Madaxa Majmaca Culimada Soomaaliyed oo labo cisho ka hor ka iclaamiyay Idaacadaha Muqdisho in Jimcaha banaan bax ballaaran ka dhigi doonaan Muqdisho ayaa sheegay inay dib u dhigeen.

"Maanta dib ayaa u dhignay banaan bixii aan qaban laheyn, shacabka waxaan u sheegeynaa inaan qaban doono maalmo kale"ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow oo aan cadeyn sababaha ay dib ugu dhigeen.

Inkastoo aanu cayimin mudada ay qabanayaan banaan baxa, ayaa hadana waxaa uu Sheekhu cadeeyay mowqifkooda ku wajahan sida ay uga soo horjeedaan Dastuurka in la ansixiyo.

Maalin ka hor ayay aheyd markii shir ballaaran oo ka dhacay Hotelka Saxafi lagu shaaciyay in Dastuurka qodobadii ay ka tabanayeen wax laga bedelay, iyadoo hadalkan uu sheegay Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ahaa Kooxaha diidanaa Dastuurka oo isugu jiray, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qeybaha bulshada.

Hase ahaatee Culimada Soomaaliyed iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa aad u diidan Dastuurka la doonayo in dhowaan la ansixiyo, waxaana soconaya kulamo lagu xalinayo cabashada Culimada oo madaxda dowladda ay ku lug leeyihiin

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash