Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.
Kulanka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu la qaatay wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee dalka Koonfur Afrika, Jeffrey Radebe, safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi, Didumusi Ntushinga iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Musambiik, Edwardo iyo wafuud kale oo ay hogaaminayaan ayuu kala hadlay xiriirka dowladahooda iyo Soomaaliya ka dhexeeya iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Qoxootiga Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool.

Wafuudda ayaa markaas kaddib waxay soo mareen goobtii halka uu ka socdo shirka odayaasha-haqanka Soomaaliyeed kaasoo lagu soo xulayo guddiga ka kooban 825-ka xubnood ee ansixinaya dastuurka Soomaaliya soona xulaya xildhibaannada uu dalku yeelanayo.
Wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Koonfur Afrika ayaa qudbad u jeediyay odayaasha, isagoo u sharaxay dastuurka Koonfur Afrika ee 1994-kii kaasoo uu sheegay in loo sameeyay ergo sidan oo kale ansixisa, balse 1996-kii ay codkooda u qaadeen dadka Koonfur Afrika. Isagoo odayaasha ugu baaqay inay muhiimad weyn siiyaan dastuurka ayna ogaadaan qiimaha uu leeyahay, wuxuuna ku bogaadiyay odayaasha inay hormuud ka noqdaan dadaallada Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka Koonfur Afrika. Iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu u sheegay saxaafadda sheegay in dowladaha Koonfur Afrika iyo Musambiik ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo iyaga u dhexeeya.
"Sidaa la socotaan Koonfur Afrika waa dalka ku caan baxay soo celinta nabadda; sababtoo ah waxay ahaayeen dal uu ka jiray midab-takoor kaddibna xornimo helay; marka qibradii ay wadankooda ku nabadeeyeen ayay go'aansadeen inay innagana nagu caawiyaan si aan dalkeenna ugu nabadeyno," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in sidoo kale dalka Musambiik uu soo maray dagaal sokeeye oo dhexdooda ah kaasoo qaatay 16-sano kaddibna ay ka baxeen dagaaladii sokeeye, wuxuuna xusay inay rabnaa in inagoo qibradaas ka faa'iideysanayna aan xilligaan xasaasiga ah dalkeenna ku nabadeyno
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































