GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Faah-faahin dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool

Faah-faahin dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo dagaaladan oo cuslaa ay dhowr mar ay dhaceen saacadihii la soo dhaafay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xalay dagaal kale uu ka dhacay duleedka degmada Xudur, kaasoo ahaa mid daba socday dagaal shalay galab ka dhacay tuulo qiyaastii 20-KM u jirta Xudur, markii ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Xudur ayaa waxaa qaaday dagaalyahanada Shabaab, iyadoo saraakiil u hadashay Shabaabka ay sheegteen inay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

Saraakiisha Shabaab ayaa tilmaamay in gaadiid uga gubeen Ciidamada Itoobiya duleedka Xudur, dagaalkii shalay galab, sidoo kale weeraro ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Bardaale ee Gobolka Bay.

Xildhibaan Cali Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan Bay iyo Bakool, ayaa sheegay in Shabaab ay ku jebiyeen dagaalkii shalay, ayna ka dileen ilaa tobaneeyo dagaalyahano, labo maxbuus ay ka qabteen.

Dadka deegaanka ee ku nool deegaanada miyiga degmada Xudur ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Abaq-gedey, oo ay ku sugnaayeen Shabaabka, waxaana ku dhintay ilaa 17-ruux oo dhinacyadii dagalamayay ahaa.

Si kastaba xiisado dagaal ayaa saaka laga dareemayaa deegaanadii lagu dagaalamayay, halkaasoo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka jiraan

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash