GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Shir beeleed lagu diidan yahay ansixinta Dastuurka dalka oo Berito lagu wado in lagu qabto Muqdisho

Shir beeleed lagu diidan yahay ansixinta Dastuurka dalka oo Berito lagu wado in lagu qabto Muqdisho

Shir beeleed lagu diidan yahay ansixinta Dastuurka dalka oo Berito lagu wado in lagu qabto Muqdisho.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa aad u kacsan kaddib markii mid ka mid ah beelaha Hiraab ay bilowday qabanqaabada iyo diyaar garowga maalinta berri ah inay shir ku qabato magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Saxafi, shirkaas oo looga horjeedo ansixinta dastuurka iyo qorshaha Road Map-ka ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah waxgaradka beelaha H/Gidir oo magaciisa qariyay ayaa shabakadaan u sheegay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho ay ku qabanayaan shir looga horjeedo ansixinta dastuurka, wuxuuna nabadoonkaan sheegay in shirkaasi ay ka soo qeyb gelayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah, waxgaradka, odayaasha dhaqanka beelaha ka soo horjeeda ansixinta dastuurka.

Sidoo kale shirkaasi waxaa ka soo qeyb gelaya siyaasiyiinta, aqoonyahano, xubno ka socda ururrada bulshada iyo wakiilada beelaha Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayo qaabka Dowladda KMG ah iyo ergeyga QM ee Soomaaliya ay ku wadaan arrimaha Soomaaliya oo shirka laga hor caddeyn doono khaladaadka dhinacaas ka jira.

Xulidda Baarlamaanka cusub, xulidda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, ku takri falka awooda dhaqanka Soomaalida iyo eedeymo kale ayaa looga hadlayaa shirkaas, iyadoona dhinaca ammaanka la sheegayo in si heer sare ah loo sugayo.

Dhinaca kale dhowaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ay fashiliyeen shir looga horjeedo Dowladda KMG ah oo ka dhici lahaa isla Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaan la ogeyn qaabka shirka uu uga dhici karo magaalada Muqdisho oo waliba looga horjeedo hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya lagu dhiso dowlad rasmi ah.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash