
Maxamed Nuur Dabaashe oo loo yaqaano Caga-joof ayaa sheegay in aanay aqbali doonin qorshaha ay wadaan siyaasiyiinta, isagoo xusay in maamulkooda yahay mid Dowladda Dhexe hoos tagi, isla markaana uu sharci ku tiirsan yahay.
"Waan maqlay raggaas siyaasiyiinta ee Galgaduud tagay, Hiiraan maamul dowladda hoos taga ayaa ka jira, hadii maamulo u sameynayaan meelaha ay joogaan ha u sameeyaan"ayuu yiri Mr Caga-joof.
Siyaasiyiin uu horkacayo Axmed Cabdisalaan ayaa ku sugan degmada Guriceel, ee Galgaduud, si ay Maamulada deegaanada iyo dadka deegaanka kala hadlaan sidii loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay, dadka deegaanada loo mideyn lahaa.
Xubnaha Wagdiga ayaa qorshaha ugu weyn ee ay wateen uu yahay sidii Maamul Gobolaad looga dhisi lahaa Gobolada Dhexe, inkastoo ay soo baxayaan diidmo laga keenayo qorshayaasha ku dahsoon maamul goboleedka la doonayo inuu dhiso. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































