GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dadka Madoow ee ku nool Dalka Sweden oo ka caroday xaflad lagu soo bandhigay waxaysan jeckeysan DAWO

Dadka Madoow ee ku nool Dalka Sweden oo ka caroday xaflad lagu soo bandhigay waxaysan jeckeysan DAWO

Dadka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaas Sweden ayaa waxaa la sheegay inay caro weyn ka muujiyeen islamarkaana ay ku tilmaameen qof cunsuriyad ah wasiirka hidaha iyo dhaqanka dalka Sweden haweeneyda lagu magacaabo Lena Adelsohn Liljeroth ka dib markii ay ka qeyb gashay xaflad lagu soo bandhigay waxaysan jecleysan dadka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaas. 

Haweeneydaan ah wasiirka hidaha iyo dhaqanka ee dalkaas Sweden Lena Adelsohn Liljeroth ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ka qeyb gashay xaflad loogu dabaal degaayo sanad guurada maalinta farshaxanka aduunka oo lagu qabtey magaalada Stockholm ee dalkaas Sweden, laakiin xafladaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay toorto ama cake laga sameeyey haweeney Afrikaan ah oo qaawan islamarkaana ay dadku cunayeen toortahaas iyadoona markii la goosto toortahaasi ay haweeneydaas oohin iyo cabaad ay af labadiis yeereysay, Ujeedada toortahaas oo sida la sheegay looga dan lahaa in la soo bandhigo dhibaatada uu gudniinku ku haayo haweenka reer Afrika ayaa waxaa laakiin arintaas ka xumaadey dadka madow ee ku nool dalkaas Sweden iyagoona ku tilmaamay inay arintaan tahay mid cunsurinimo iyo midab kala sooc ku dhiisan islamarkaana dadka laga siinaayo fikrad qaldan hab dhaqanka dadka Afrikaanaka ah loona ekeysiinaayo inay yihiin dad cawaan oo kale ah oo aan waxba kala ogeyn.

 


Newsflash