Waxaan ku dhashay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, balse waxaan kusoo barbaaray magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Madiina, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay isla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Muddo kadib ayaa waxaan iskaga soo tagay magaaladda Muqdisho, waxaan ganacsi ka furtay magaalo xeebeedka ee Mombassa ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka wada shaqeen jirnay wiilal aanu qaraabo ahayn.
Gabadha aan maanta ifka ugu jeclahay ee Fartun ayaa waxaanu wada degneed guri ku yaalla magaaladda Mombassa, waxayna ahayd gabar aad u qurux badan, isla-markaana ruux kasta oo arki lahaa ayaa waxaa hubaal ah in uu ka helli lahaa, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxaa Fartun u qaaday dareen culus.
Fartun intii aanu guriga wada joognay ayaa waxaanu isku af-garanay in uu ina dhex maro jaceyl, xaqiiqdii waxaan u qaaday jaceyl balaaran, waxaana aallaaba u sheegi jiray inaan jacel yahay, sidoo kale waxay ii sheegi jirtay in’ay iyaduba i jaceshahay.
Gabadha aan ifka ugu jeclaay waa Fartun ayaa waxaa isla soo qaadanay waqti wanaagsan oo ku haboon xiriirka jaceyl ee inoo dhaxeeya, waxaa jiray wiilal fara-badan oo Fartun xusul duub ugu jiray, balse wiilashaashi oo idil ayay aniga iga dooratay, taasoo igu sii abuurtay kalsooni balaaran oo aan u qaaday gacalisadeeda Fartun
Wax kasta ALLA dhankiisa bay ka qoran yihiin, iyadoo uu jaceyl culus inaga dhaxeeyo ayaa waxaa Fartun kusoo baxay uur, uurkaasoo aan aniga iska lahaa, isla-markaana guriga oo dhan ayaa waxaa laga ogaaday in Fartun ay leedahay uur, waxaana maalmo kadib ii imaaday gabar ay Fartun saaxiibo ahaayeen, oo lagu magacaabo Layla, Layla ayaa waxay ii sheegtay hadal aan aad uga naxo.
Layla waxay ii sheegtay in Fartun ay leedahay nin iyo caruur, kuwaa oo ku nool bay tiri magaaladda Muqdisho, intaan aad u argagaxay, anigoo ka ciishoonaayo qiyaanada ay igu sameysay Fartun, ayaa waxaa soo xasuustay in Fartun ay horey u soo guursatay nin, balse ay kala tageen iyagoo aan waxba isku dhalin.
Fartun ayaa waxaan wax ka weydiiyay in uu qabo nin, isla-markaana ay leedahay caruur, Fartun ayaa waxay ii sheegtay in uu qabo nin, ayna leedahay caruur, waxay kaloo ay ii sheegtay in’ay ku Nool yihiin Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Iyadoo aan arintaasi layaabanahay ayaa waxay Fartun igu tiri “Waxaan aadaayaa magaalada Muqdisho”, markaasi baan ku dhahay Uur ayaad leedahay ee inta ku dhaleysaa, markaasi ayaa waxay igu tiri “Muqdisho baan ku dhali doonaa”, anagoo ka naxsan waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka Fartun ayaa waxay aaday magaaladda Muqdisho.
Muddo markii ay kasoo wareegatay anigoo la’ meel aan kala xiriiro iyo cid aan ka wareysto Fartun ayaa waxay i soo wacday maalin maal-maha kamid ah, markaan codkeeda maqlay baan aad u farxay, waxayna ii sheegtay in’ay caafimaad qabto, ayna la-joogto reerkeeda, waxaana wax ka weydiiyay uurkii ay laheyd, waxayna igu tiri “Markaan u tagay ninkii i qabay ayaa waxaan u sheegay in la’igu kufsaday dalka Kenya, intuu naxay buu cisbitaal i geeyay, oo sidii buu caruurtii iga soo xaaqay” ayay tiri Fartun , taasoo aan si-weyn ula yaabay.
Waqti dheer kadib ayay Fartun iga soo wacday mid kamid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya, waxayna ii sheegtay in’ay soo kala tageen ninkii qabay, ayna iminka dooneyso in uu xiriir ina dhex maro, anigoo aad uga shakisan Fartun ayaan iska soo dhaweeyay, muddo kadib waxay imaaday magaaladda Nairobi, oo halkaasi baanu isku aragnay, waxayna ii sheegtay in uu u xareysan yahay sharci ay ku dhoofi rabto.
Waxaan xaqiiqday in Fartun ay kala tageen ninkii horey u qabay, waxaana ka codsaday inaan isguursano, balse waa ay iga diiday ,oo waxay igu tiri “Waxaan rabaa marka aan dhoofo inaan kusoo dacwoodo, waxaana tahay nin qaali ah oo aan aad u jeclahay, waxaana ismehersan doonaa marka aan dhoofi rabo”.
waxaa dhacday in ay fartuun dhooftay oo ay aaday wadanki ay rabtay waxaa kaloo dhacday in ninki ay dhahday wuu i furay uu dib u soo laba kacleeyay ana ayada ayaan wax ka weydiiyay waxa ayna iigu jawaabtay mahad waxaan ahay hooyo ilmahaygana ma rabo in aan kala dheeraano aabahood ayay rabaa in ay la noolaadaan mahad waan ku khiyaamay iska kay cafi iska samir marka akhyaareey nafteyda holac ayaa ku shidan wax aan sameeyo ma aqano hadaan taleefan ka waco way iga qabanaysaa hadaan i soo wac dhahana kuma soo wici karo ayay i leedahay wali taleefan ma qaadan anigana telka hooyadeed ayaan ka wacaa mana ka quusto jaceylka ay igu beertay waxaana ahay qof si dhab ah u jecel waxa ay i leedahay jaceylka aad ii qabto waxaad u burburisaa farxadeyda waayo qofka wax jecel qofka uu jecel yahay wuu u samraa nolosheyda waxaan ku dhamaaystay ooyin iyo fikir wax aan sameyo ma aqaano ee khyaareey ila soo taliya mana aqaano qoftan waxa ku kalifaya in ay iska key fogeyso waa yaab iyo cajib jaceyl waan maqli jiray iyo dhacdo xanuun badan maanta talo ayaan u baahanahay talana waa tii alle




































