GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socda oo xalay gaaray Magaalada London

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socda oo xalay gaaray Magaalada London

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka dagay garoonka diyaaradaha Heathrow  ee magaalada Londan ee dalka Britan halkaas oo uu khamiista ka dhacaayo shir caalami ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa la dajiyay Hotel ku dhow halka uu shirka ka dhacaayo, waxana safrikiisa ku wehliya qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda KMG ah oo uu ka mid yihiin wasiirada Gaashandhiga iyo arrimaha dibadda , sidoo kale waxa la socday Cabduqaadir Macallin Nuur oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka mid ah wafuuda ka qeybagaleysa shirka Londan ka dhacaya 23-ka bishan Febaruary kaa oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale magaalada Londan waxa horrey ugu sugnaa madaxweynayaasha Somaliland, Puntland iyo Galmudug Axmed Siilaanyo, Cabdiraxmaan Faroole, Maxamed Caalin iyo wakiillo ka socda dalalka beesha caalamka ee ka qeybgalaya shirka London.

Sidoo kale waxa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Londan ee dalka UK wafdi u hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas oo maalmahan safaro ku maraayay dalal ka tirsan Yurub, sidoo kale waxa isla maanta gaaraya magaaladaas Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka Helliary Clinton iyo xoghayaha guud ee QM Ban-Ki Moon oo ka mid wafuuda caalamiga ee ka qeybgaleysa shirka Londan oo ay ka qeybagalayaan in ka badan 50-dowladood iyo hey’addo Caalami ah.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash