GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Audio-Video Audio MUQDISHO SHALAY IYO MAANTA..!!!BY:MAXAMED YASIN XAAJI (CAGMADHIGE)

MUQDISHO SHALAY IYO MAANTA..!!!BY:MAXAMED YASIN XAAJI (CAGMADHIGE)

E-mail Print PDF

Faalo:Muqdisho oo ah Magaalo Tariikh ahaan Facweyn  Magaceeduna uu yahay mid Tilmaan u ah Bilicda Magaalo ay laheed  islamarkaana dadkeedu lagu xasuusto Marti wanaag  xiliyo badana soo martay in laga tilmaamo shirar badan oo calami ah ma aysan helin cid wanaaga  ay lee dahay ku ilaaliso islamar kaana ku dadaala in sharfteeda dhowro ayada oo dagaalo faraha looga gubtay ay ka dhaceen mudo 21 Sano ka badana aysana helin kaalintii magalado ay la haheed shacabkeeda ku kala dhumay daafaha caalamka halka ay ahal u noqotay dagaal joogto iyo dabeecado khalafsan oo dhulka dhigay bilicdii bari samadkii ay laheed.


hadaba sanooyinkii ugu danbeeyay Waxaa isa soo Taraaya Rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in dib usoo laabato Magaalada Muqdisho Bilicdeedii ka dib markii ay dadku daremeen  Xaalada Nabad galyo Tasoo loo aaneyanayo in ay Timid ka dib markii uu isbadal
ka yimid hogaanka Dalka oo ayagu loo aaneynayay in ay ahayeen kuwo badi aan fulin amaba aanan si daacad ugu howl galin dhisida ciidamo Cudud ahaan iyo tayo ahaan sareeya kuwaasi oo dalka dib ugu soo celsha gacanta Dowlada.
 
Waxaa Dib u camirmay suuqyada Magaalada Muqdisho waxaana la arki karaa Dukaameysiyo ay shacabku suubsanayaan ayada oo sidoo kale rajo wacan ay soo gashay Ganacsada badeecadaha kala duwan dalka keenta ayada oo bar bar socdaan dhsimooyin xoogan kawaasi oo ka  socdaan xaafado badan oo dadku ka barakaceen balse dib ugu laabteen markii Maleeshiyada shabab laga saaray ayada oo dadku wadaan dib u dhis balaaran waxaana sidoo kale aad u shaqeynaya Gadiidaka BL ka ah iyo Kuwa yar yar  kuwaasi oo wadooyinka ku kala gooshaya.
 
Waxa sidoo kale dib usoo laabtay Taraafikada kala hagta baabuurta  ayada oo olole wanaagsan ay wadaan ciidamada Police ka oo la arakayo ayaga oo gadiid kala duwan saaran in ay Marayaan wadooyinka kala duwan ee Magaalada shacab badan ayaa Maalintii lagu arkayaa Biibitooyinka ku waasi oo ku kulma halkaasi si ay ugu cayaraan Ciyaarta Dumnada halka qeybo kale ay kawada shekeystaan Marxalada Siyaasadeed ee dalka iyo waxa xigaya dagaalada ka socda Gobolka Banaadir iyo Goboloada dalka kuwaasi oo ciidamada dowlada KMG ah kuwa Amisom iyo dowlada Eithiopia iyo Kenya ay kula jiraan Kooxda shabaab ee Qaatiga u gashay Nolosha shacabka soomaaliyeed.
 
Waxaana rajada ku soo saa ,ideysa Magalada Muqdisho ayada oo  socdaan Mashariic ay Fulinayaan Dowlado shacabka soomaaliyeed u soo gurmaday sida Dowlada Turkiga oo Kalin wacan ku leh bilicda Magaalada Muqdisho ayada oo sidoo kalena jiraan ha,ayado Maxali ah oo xiriiro la leh kuwo shisheeye oo ayaganu kaalin ku leh sida DBG oo noqday mid ka cadcad ha,adaha kale ee Gargaarka wada
waxaana la dhayalsan karin Dadaalada kale ee Dowladaha iyo Hayadaha kale wadaan.
 
Marka aan eegno qaabka Dowlada soomaaliya ayaa ayadu ah mid u eg in ay kaaf iyo Kala dheeri tahay Xukumada ayaa ayadu wada Olole Nbada dalak lagu sugayo halka Mugdiga soo kala dhex galay qeybta xeer dajinta ee Dowlada oo ah Barlamaanka kaas oo noqday mid xargaha goosan raba ayada oo Magaalada ay ka jiraan labo Gudoomiye Barlamaan oo kala ah Madoowe Nunow maxamed iyo Shariif xasan oo asagu ka tuureyn Xildhibaano badan xilka balse Garab ka helaya tiro xildhibaano ah iyo Mdaxweynaha iyo dalal dibada Qaar kood.
 
Waxaana Xasid Mudan Xukumada Cabdi wali Gaas ay u egtahay mid ka fogaaneysa xarig jiidka Barlamaanka ka jira ayada oo Garabka Madoowe Nunow ay Aaminsan yihiin kuwo xilka ka qaaday shariif xassan Gudoomiyaha saxda asaga uu yahay hagka shariis xasan oo Tiro dhowr ah wata islamarkaana  Maciin biday shariif shekh axmed ay taagan tahay Murankooda lama ogaa heerka sameyn ay ku yeelan karaan Rajada shacabka Muqdisho inta ay Gaari karto walow ay tahay Odin ku saa,id ah shacabka Muqdisho oo Maantay Cadowga kowaad u arka shabaab aysan ku faraxsaneen kala qeybsanaanta iyo Khilaafka Taagan.
 
Hadaba hadaan isku soo xooriyo faaladayda waa Muhiim in aysan dhicin in dib Muqdisho ugu laabato xili ay kooxo dano gaar ah shacab ku kala qoqoba xaafado gaar ah ayada oo dakano aanan asal lahayn  lagala dhexgaliyo ayada oo shacabka Muqdisho ka dharagsan yihiin kaalintii dhibaatada dalka soo Martay intii ka soo gaartay.

ayada sidoo kalena ay Mudan tahay in ay isku duubni wada Muujiyaan Gudiyada degmooyinka,Shacabka ku dhaqan Muqdisho,Police iyo Maamulka Gobolka Banaadir si aysan u dhicin in dhib danbe ku dhaco shacabka Muqdisho Midkii dhibka ugu badan 21 sano dalka ka dhacay ugu badnaa kii Muqdisho ka dhacay Maantayna aysan dhicin dhibaato kale oo ka dhacda Muqdisho.

Maxamed Yasin Xaji(cagmadhige)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash