Walaal waxaan ku weydiinaay in aad talo ka bixin kartid furitaanka. Hadii aad talo ka bixin kartid, walaal waxaan doonayaa inaad ila talisid dhibaato xoog leh ayaa i heysata, waxaan deganahay London, UK ma i furi kartaa xaaskeyga? ...
Haddii aad xaaskaaga, adigoo caraysan aad tiraahdo xaaraan baad iga tahay Ma furantaa, maxase Diin ahaan loo daweyn karaa arrintaasi oo kale haddii ay dhacdo? ...
4
Isfurid (Dalaaq)
aslamu caleykum, walalayaal waxan idin weydinaa xaaskey oo aan furay marka aan furaayay cid nalama joogin hoyaday kaliya ay joogtay ma furan tahay mise wa inaan shahid aan keeno markaan furayo wa baarikalaho fiikum.. ...
5
Isfurid (Dalaaq)
hadii aan ku furo sedex dalaaqo oo kala duduwan oo aan xiriir aheyn naagtaa iyadoon nin kale soo marin ma ku noqon karaa? ...
6
Isfurid (Dalaaq)
ninka naagtiisa ku yiraahda sadax ayaad ku furan tahay naagta ma soo ceshan karaa mise waa ka wada tageysaa oo rajciya ma leh.. ...
7
Isfurid (Dalaaq)
asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh walaal waxaan qabaa su,aal taasoo ah in ninkayga uu jaadka cuno sigaarkana cabo manatukado salaada mana soomo noloshana waan kudhibanahay oo hadana waxaan kala maqanahay mudo labo sano ah taasna waxaa keentay in aan noloshii ku heshiin waynay mana ifurin wuuna diiday in uu ifuro dhaqan fiicana kumahaysto oo dhaqankiibaan isku fahmiwaynay waayo waa nin marwalbo marqaansan ixtiraamna kumahaysto marka noloshaydii baa dhibkujirto hadii aan wada noolaano maadaama aan labo sano kalamaqan nahay uuna diiday in uu ifuro maxay diinta ka qabtaa dhibaa tadaa nadhextaalo aniga iyo asgaga lamana noolaan karo aniga ahaan oonaftaydaa diidan wasalaamo calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.. ...
maxaan ka waxeen kara hadii aan salaada tukan jirin ilaa aan ka gaaray 19sano oo kadib ilaahay i hanuunshay. Sidee u gudan kara salaadi iga taktay ilaa marki aan ka qaangaaray ilaa hada walaalayaal ila soo socosiiya jawaabta. Jazaaka laah ...
1
Salaad
Asalaamu caleykum su'aasheydu waa salaada dhankeeda ayaan aad ugu liitaa, waan garan in ey waajibtahay eyna tahay tiirka ugu kowwaad ey islamka. marwaliba marka aan isdhaho hada sifiican utuko oo u bilaaw waxlee i wareerin. xitaa waxaan garay heer aan waalidkey been u sheygo marka ey i dhahaan ma tukatay. mise waxaan iska dhigi qof tukanaayo mana tukanaayo deep down in my heart walaahi waan rabaa in aan tukado lakinse sheydhaan waalan ayaa i hor istaagan, sideen iskaga dhiciyaa. Walaahi anaaba isla yaabay midkaan waaba igu kor tuntay. arintaan sanooyin ayee socotaa. hadii aan salaad bilaabo waley ayee katahay in aan tukado 5 waqti, waxaana ahay qof qaangaar ah oo jira 22. Waan ogahay tani sida aad igaga caawiso in ey adagtahee what do u think is the soluotion?. sorry hadii aan hadalka kugu dhereyay. wabilaahi towfiiq. ...
2
Salaad
Asalaamu caleykum waraxmatu laahi wabarakaatu walalayaal marka hore kheyr alle ha,idin siiyo sida aad noogu fududeyseen waxwalba oo loobaahdo oo diin ah amaba su,aalo diini ah waalayaal waxaan doonayaa inaaad iiga soojawaabtan su,aashan oo ah sidan, salaadu hadey kaatagto sideed uqaleyneysaa idinka oo ii faah faahinaya sibaa badan ooay kaaga tagto salaadu sida ay kala danbi badan yihiin iyo hadii salaada waqityo gaara laqaleynayo jasaa.kalaahu kheyr ...
marka ugu horayso waxaan idunku salaamayaa salaanta muslimka oo ah aslaamu calaykum salaanta kadib waxaan rabaa in aan idin waydiiyo su,aal taasoo ah marka aad dukanayso salaad suno ah marka aad rakuuc santahay maku ducay sankartaa af soomaali waa walaal kiin muslimka ah oo idin leh iiga soo jawaaba sida ugu macquul san walaalyaal jisaakumulaaha qayran wasalaamucalaykum ...
5
Salaad
Waxaan joogaa dalka danmark waxaa jira dad salaadda isku bixiya laga billaabo duhurkii ilaa maqribdii oo muslim ah siiba carab ah.tankale annaga dhibaato ayaa naga haysata dhanka salaadda siiba marka laga baxo guriga maxaa yeelay gaaladii markay ku arkaan adigoo tukanaya way kulahadli si aad u was waasto marna waxaan ku tukanaa musqusha shaqada horteeda duruuf awgeed maxaad noo dardaarmi lahaydeen. tankale malasoo saaray tafsiirka quraanka kariimka ah oo afsoomaali ah. mahadsanidin. ...
6
Salaad
asalaamu calaykum waraxmatulaah wa bacdi waxaan idin weydiin lahaa su'aal runtii aan aad ugu baahnahay inaan wax ka ogaado. Waxaa jira odey adeerkey ah oo runtii qaba jira ah inuusan ceshan karin kaadida oo isaga oo aan iska war qabin xitaa ay ka daadato kaadida marka waxaan rabaa bal inaan ogaado siduu daahir ku noqon lahaa si uu u guto salaadaha faralka ah lagu leeyahay oo runtii aanu kala garan la nahay wabilaahi towfiiq. ...
7
Salaad
asalaamu caleeku aqiii kariim waxaan jeclaay inaaan su aal kuweydiiyo oo ah waxaan ku noolahay wadamada yurub gaar ahaana sweden, marka waxaan ku weydiiyay sheekh kawaran qofka shaqeeyo ma jamcinkaraa salaada habeenkii maadama ay san ogoleen gaalada loo shaqeeyo in iyadoo shaqo la haayo uu qofka ka tago ,marka hadii aad is dhahdo ha u sheegin oo iska soo tuko waxaad ku tukanaysaa walwal iyo meel aan munaasab ku eheen adigoo si dhaqseleh utukadey oo cararaya marka inooga soo jawaaba walaalayaal arimahaas ...
8
Salaad
waxaan ku noolayahay magaaladda la yiraado seattle,waan shaqeeyaa waxaan guriga ka baxaa5.10amsubaxnimo waxaa salaadda subaxa la tukadaa 6.00am iyo wax ka dambeeya .marka salaadda ma qadimi karaa mase waxaan sugaa inta aan ka gaarayo duhurka oo waan ku jimciyaa.fadlan ii soo sheega sida aan ku gudan karo waajibkeeyga salaada oo aan shaqaddana aan ku wadan karo inshaa alaah? ...
9
Salaad
hadii aan salaada taraawixda ku tukado massaajidka witirkiina aan soo tukado matukan karaa salaad kale dad ayaa i dheheen lama tukan karo salaaad kale anigana guriga marka aan tago ayaan salaatu leel tukan jiray waligeey taa iyaan rabaa in leeyga jaahil bixiyo ...
10
Salaad
sheeqoow waxaan u baahanahay maadaama aan aniga gabar ahay surwaalna aan ku shaqeeyo maku tukankakaa ilaa waxaan ku shaqeeyaa surwaal kamana maarmo kabahana maku tukan karaa anoo qabo kabahayga ma wayseeysan karaa? ...
11
Salaad
salaama calaykom waraxmatulaahi wabrakaatu. salaan kabacadiwaxaan rabaa shu,aashan in aad iiga jaahil bixisaan hadii aad ka hormarto wakhtiga salaada 40 minite ka hor markii latukanlahaa tuduuf awgeed masax baa mise waa khalad? ...
12
Salaad
asalamu caleykum waraxmatulaahi wabarakktu bada salaan waxaan jeclahay inan wax ka ogaado salaada taraawiix maxaa yeelay khilaaf wayn ayaa ku jiraa dad waxay leeyihiin waa sideed rakacadood dadna waxay leeyihiin waa labaatan rakadood labadana waxay leeyihiin xadiis baan haynaa marka aniga aad ayaan ugu wareray maxaa yeelay cilmi uma lihi marka waxaan jaclahay in aad igu soo jawaabtid si saxa ah wa billahi towfiiq asalamu calaykun waraxmatulaahi wabarakaatuh.. ...
13
Salaad
asalaamucaleykum w/w/. ammaa bacd.. malasunaysan karaa waqtiga salaada markay gasho oo aan wali la adimin ...