Shirka ayaa socday mudo Seddex maalmood ah waxaana ka qey galay Qaramada Midoobay, Xubno ka socday Beesha caalamka, Midoowga Afrika IGAD iyo bulshada rayidka.
Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad shirka lagu soo xirayey ayaa sheegay in shirkaan wadtashiga uu daba socdo kii lagu dejiyey road map-ka isagoona sheegay in intii uu socday looga hadlay dib u heshiisiinta, Ammniga iyo qodobo kale oo ku aadan sidii loo hergelin lahaa qorshaha Road mapka. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka wadtashiga ah bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isagoona tilmaamay in shirka wadtashiga lagu soo biirin doono Maamulka Ximin iyo xeeb. “Shirkan midla xiga waxaa lagu qabanayaa Garoowe , waxaana lagu soo biiri doonaan Maamulka Ximin iyo Xeeb, Mahiiga waan isla garanay arinkaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo kulanka wadtshiga maanta ka qeyb galay. Dhanka kale shir looga soo horjeedo shirka wadtashiga islamarkaana lagu dejineyo road mab cusub ayaa wajigiisa koowaad waxa uu ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho kaasi oo ay laheeyeen Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed. Xildhibaano ka tirsan baarlmaanka aya aku biiray maanta shirka Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed ee looga soo horjeedo shirka wadtashiga ee uu horboodayo Mahiiga, waxaana shirka Odayaasha ee maanta wajigiisa koowaad la soo gabagabeeyey laga soo saaray warsaxaafdeed iyadoona la dhisay gudiyo ka soo talo bixin dooni sidii xaalka dalka loo jiheeyn lahaa. “Shirkan midla xiga waxaa lagu qabanayaa Garoowe , waxaana lagu soo biiri doonaan Maamulka Ximin iyo Xeeb, Mahiiga waan isla garanay arinkaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo kulanka wadtshiga maanta ka qeyb galay. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































