GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Maamulka Kismaayo oo magaca badashay

Maamulka Kismaayo oo magaca badashay

Maamulka Islaamiga ee Kismaayo ayaa sheegay inay badaleen magacoodii kuna badalaeen Walaayada Islaaamiga ee Jubooyinka. Maamulkan cusub wuxuu sheegay inay hoostagayaan maamulka kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Xassan Yacquub oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka Islaamiga ee Jubooyinka ayaa sheegay in isbedelkani aanu wax xiriir ah ku lahayn khilaaf mudooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay dhinacyadda Islaamiga ee Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan oo si toos ah ugu dhaxeeya Al-Shabaab iyo Raas-Kaanbi uu u muuqdo mid sii xoogeysanaya, balse labada dhinac ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan khilaafkaasi.

Dadka qaarkood ayaa sheegaya in maamulkan cusub iyo magac badallidani oo la sheegayo in labada dhinac aysan u dhamayn u keeni karo khilaafka oo sii xoogesyta. Xisbul-Islaam ayaa waday qorshe labada dhinac lagu dhex-dhexaadinayay balse ilaa haatan aan guuleysan

Sheekh Yacquub wuxuu mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in Madaxweynaha Uganda uu xusay in ciidamada AMISOM ay tagi doonaan qaar ka tirsan gobollada dalka Soomaliya, in taasi tahay mid Madaxweynaha Uganda uu ku doonayo inuu lacag iyo mashaariic uga soo qaato beesha caalamka. Sh. Yacquub wuxuu sheegay in ciidamada Uganda oo qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika aysan awood u lahayn inay ka baxaan saldhigyadooda Muqdisho.

 


Newsflash