GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada dowladda Caawa lagula eegtay degmada Dharkeenlay ee

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada dowladda Caawa lagula eegtay degmada Dharkeenlay ee

Qarax bam oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa kadib salaadii maqrib waxaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxaani ayaa waxaa lagu weeraray ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo ku sugan Xaafadda dabakaayo Madow ee degmada Dharkeenlay iyadoo halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray sida la sheegay askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya,waxaana rasaas ay ooda ka qaadeen ciidamadaasi ku dhintay nin darawal ah oo wade ka ahaa gaadiid halkaasi marayay.

 

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu dhaawac u geystay labo qof oo rayid ah kuwaasi oo ka agdhawaa halka uu falkaasi ka dhacay,waxaana markii uu qaraxu dhacay hakad galay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka dadweynaha iyadoo mudo kadibna uu xaalku caadi ku soo laabtay.

 

Qaraxaani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay qaraxyada inta badan lagu weeraro ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana ku sugan Xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 


Newsflash