GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbul islaam oo Guulo ka sheegtay dagaaladii galabta ilaa caa

Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbul islaam oo Guulo ka sheegtay dagaaladii galabta ilaa caa

Dagaaladii iyo duqeymihii caawa ilaa galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u muuqday in ay ahaayeen kuwa ugu darnaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa dhinacyadii ay u dhaxeeyeen waxaa uu midka midka kale ka sheeganayaa guul ku aadan dagaaladaasi.

 

Max’ed Cusmaan Caruus oo ah afhayeenka dhanka howlgalada Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay galabta weerareen fariisinka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Makka Al Mukarama waxaana uu qasaarihii ka soo gaaray dagaalkaasi dadka shacabka dusha uga tuuray dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.

 

Dhanka kale Sheekh C/risaaq Max’ed qeylow oo ah afhayeenka ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay la xariirtay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dagaalada iyaga lagu soo qaaday islamarkaana aanay jirin cadeyn uu u hayo qasaaraha ciidamada dowladda ka soo gaaray dagaalkaasi.

 

Hadaladaani is bursiga ah ayaa imaanaya xili Galabta ilaa Caawa Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam kuwaasi oo qasaare badan ay shacabka ka soo gaareen.

 


Newsflash