GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

E-mail Print PDF
Barnaamijkaan oo aanu ugu magac-darnay  Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud ayaa wuxuu socon doonaa, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan,, iyadoo uu noqon doono mid ay si weyn uga helli doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed haddii uu ALLE idmo.

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii afhayeenka u ahaa Asxaabtii u hijrootay Ardul Xabash?
Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weynaa ee Jacfar Bin Abii Daalib Rc.

2-Su’aal Sheeg kumaa ugu soo hor Islaamay reer Madiina?
Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weyna ee Sacad Bin Suraara Rc.

3-Su’aal Sheeg kumaa ahaa ruuxii ugu horeeyay ee Islaamka u hijrooda?
Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weynaa ee Cusmaan Bin Cafaan Rc.

4-Su’aal Sheeg dagaalkii weynaa ee Uxud, kumaa Gaalada hogaaminaayay?
Jawab: Waxaa hogaaminaayay Abuu Sufyaan Bin Xarbi.

5- Su’aal Sheeg sanadkee ayuu Shahiiday Asxaabigii weynaa ee Muscab Bin Cumeyr Rc?
Jawab: Wuxuu Shahiiday sanadkii seddexaad ee Hijriyada.

6-Su’aal Sheeg dagaalkee ayuu ku Shahiiday Asxaabigii weynaa ee Muscab Bin Cumeyr Rc?
Jawab: Wuxuu ku Shahiiday dagaalkii weynaa ee Uxud.

7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii weynaa ee Uxud?
Jawab: Wuxuu dhacay sanadkii seddexaad ee Hijriyada.

8-Su’aal Sheeg kumaa alifay heestii caanka ahayd ee Alif La Kordhabey, Alif La Hoos Dhabey Alif Laa Goday?
Jawab: Waxaa alifay hal abuurkii weynaa ee Saciid Saalax Axmed.

9-Su’aal Sheeg Buurta ugu dheer dalka Soomaaliya?
Jawab: Waa Buurta Suurad.

10-Su’aal Sheeg Buurta labaad ee ugu dheer dalka Soomaaliya?
Jawab: Waa Buurta la-yiraahdaa Siraad, waxayna Buuraha Suurad iyo Siraad ay ku yaallaan gobolka Sanaag.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  
Last Updated on Wednesday, 03 August 2011 22:38  


Newsflash