GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Magaalada Gaalkacyo oo Dabley hubaysan rasaas ku furtay dad rayid ah

Magaalada Gaalkacyo oo Dabley hubaysan rasaas ku furtay dad rayid ah

Kooxo hubaysan ayaa rasaas qasaaro dhimasho iyo dhaawac gaysatay ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
 
Hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii habeenimadii xalay dabley hubaysan ay rasaas ku fureen dhalinyaro maraysay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.
 
Dhalinyarada rasaas lagu furay ayaa la tilmaamay inay ka mid ahaayeen kuwa ka xamaasha Suuq Bartamaha Gaalkacyo, waxanaa la sheegay in dableydii weerarkasi gaysatay ay isaga baxsadeen goobtaasi sida uu xaqiijiayay mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
 
Dadka dhaawacmay ayaa durbadiiba loola cararay Isbitaalka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo la tilmaamay in lagu dabiibiyo xaaladooda Caafimaad, iyadoo ilaa iyo iminka aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Galmudug iyo Puntland maadaama halka falkaasi uu ka dhacay ay aheyd bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
 
Ma’ahan markii ugu horeysay oo dabley hubaysan ay raasaas qasaaro gaysatay ku furaan dad rayid ah oo ku suganaa Gaalkacyo, waxana arintaani ay ka mid tahay falalka amaan dari oo inta badan ka dhaca Magaaladaasi.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 


Newsflash