Monday, 25 April 2011 22:11
Xarakada shabaab ee ka talisa magaalada Jawhar ee xarunta gobalka Sh.dhexe ayaa amar ku soo rogtay ardayda wax ka barata iskuulada deegaankaasi lacago lagu taageerayo kooxda.
Waxa ay dalbadeen shabaab in araygiiba laga qaado $1 bishii si loo taakuleeyo shabaab, waxaana arintaasi ay walaac badan galisay waalidka iyadoon waalidiin badan ay bilaabeen caruurtooda in ay iskuulada kala baxaan
Hore shabaab deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ugu soo rogeen amaro ceynkan ah kaasoo ay maamulada iskuulada ku fareen in ay bixiyaan lacagahaasi hadii kalana aanay ka shaqeyn doonin deegaanka.
Al-shabaab ayaa sidoo kale xili hore waxa y isbadal ku sameeyeen manaahijta waxbarasho ee iskuulada ku yaalay magaalooyinka ay ka taliyaan.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it