Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay guulo ka sheegatay dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacayay qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh C/risaq Maxamed Qaylow oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaalo xalay ilaa iyo saakay ka dhacay qaybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in la soo weerar xalay Ciidamada dowladd KMG ee fariisinka ku leh Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Sheekh C/risaaq Qaylow waxa uu tilmaamay in Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ay qasaarooyin u gaysteen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Afhayeenka mar su’aal laga waydiiyay duqaymaha loogaysto Suuqa weyn ee Bakaaraha xilliyada ay dirirtu dhaxmarto dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa waxa uu ku jawaabay in hadaladaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
Hadalka afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh C/risaaq Qaylow ayaa waxa uu imaanayaa xilli 48-saac ee ugu danbaysa ay dagaalo ka dhacayeen qaybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga hubaysan ee kasoo horjeeda
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































