Qoys degan dalka Maraykanka, ayaa helay abaalmarin sare oo la xiriirtay dhinaca
waxbarashada caruurta iyo sidoo kale daryeelka caruurta ee waalidka.
Fardowsa Yuusuf Maxamed, ayaa ku guulaysatay abaalmarin heer wanaagsan ee dhinaca
waxbarashada ay ka gaartay, oo uu ku abaalmariyay iskuulka dowladda ee Minneapolis.
Waxay ka mid noqotay shanta ardayda ee ugu waxbarashada wanaagsanaa guud ahaan dalka
Maraykanka.
Sidoo kale, Yuusuf Maxamed Xareed oo ah aabaha dhalatay Fardowsa iyo afar caruur ah
oo kale, ayaa isaguna loo aqoonsaday waalid wanaagsan, taasoo abaalmarin uu ku
mutaystay.
Yuusuf, wuxuu caruurtiisa soo koriyay kaligii kadib markii hooyadii dhashay ay kala
tageen muddo dheer ka hor.
Weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen, ayaay u warameen Yuusuf Maxamed iyo Gabadhiisa,
Fardowsa Yuusuf.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































