Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd!
Qisso Jacayl (1987-1999) Qeybtii 1aad
Waan idin salaamay dhammaan dadweynaha xiiseeya sheekooyinka jacaylka ee ku taxan boggan Geesguud.com, salaan kadib magacaygu waa axmed,maxamed,barrow, oo looyaqaanno shooli yare,kuna nool magaalada firenze ama (florence) ee dalka talyaaniga, waxaan jecleystay inaan idiinsoo bandhigo qisadan jacayl ee aan ugu magacdaray geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! asxaabteyda ayaa igu dhiiri geliyey inaan qoro sheekadan, taasoo ay ugu wacantahay iyagoo ogaa buugaag kahorreeyey ee aan kala qoray intii u dhaxeysay sanadihii 1999 illaa 2001dii kuwaasoo aan kaxusi karo(gef jacayl ha gelin waa godobe iyo mataanihii jacaylka mid uun baa mugdi geliyey
maankooda!)
sidaa daraadeed saaxiibayaal aan horudhac yar idiinkuugu sameeyo sheekada, qisadan geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd waa qiso jacayl oo dhab ka hadal ah taasoo xambaarsan waayo jacayl uurkutaallana kureebtay qalbi jacaylka unuglaa. qisadan waxay dhacday intii udhaxaysay sanadihii 1987-1999 waxayna ka billaabatay dugsigii sare ee sheekh suufi magaalada muqdisho (soomaaliya). waxayna ku dhammaan doontaa qaaradda yurub khaasatan italy. dib ayaana looga noqon doonaa yurub oo lagu kala noqon doonaa afrika iyo aasiya.
Ayaanle oo ah wiilka sheekadu kusocato waa nin dhallinyaro ah jecelna inuu heer waxku ool ah kagaaro waxbarashadiisa cilmiga maaddiga ah ee uu sanadaha badan kusoo taxnaa, ayaanle waa arday waxkabarta dugsiga sare ee sheekh suufi waxa uuna dhawaan soo idleeyey kaqeyb galka imtixaankii gunaanadka ee lagusoo afmeerayey ka gudbidda waxbarashada fasalka sadexaad ee dugsiga sare looguna gudbilahaa fasalka afraad ee isla dugsiga sare, ayaanle subaxnimo arbaco ah ayuu ukalahay dhanka dugsiga sare ee sheekh suufi si uu usoo ogaado natiijada uukagaaray imtixaankii maskaxdiisa mashquulka kale udheeraa ee uu kawar dhowrayey maalmahan. muxuuse kalasoo kulmay? sheekada ayaad uga bogan doontaan ee lasocod wanaagsan sheekadu waxay kubilaabaneysaa sida tan:-
Ayaanle oo ay caro kululi kamuuqato ayaa dib ugusoo laabtay hoygii uu subaxnimadan kajarmaada kasoo kuyiillay xaafadda taleex degmada hodan ee magaalada muqdisho, isaga ooaan cidna afkiisa ufurin ayuu ugudbay qolkiisii ugaarka ahaa waalidkii dhalay ayaanle xilligaa ma ayanjoogin guriga maadaama ay ahayd goor barqanimo ah aa ay hawlmaalmeedkoodii kumaqnaayeen, qofka kaliya ee hoyga kusugnaa kahor intii aanu ayaanle illinka kasoo galin waxay ahayd walaashii jawaahir oo ah inan yar oo aan qaan gaarin ahna yaraanka qoska reer cali shirwac oo ka kooban labada waalid sadex wiil iyo laba gabdhood oo ay dhaleen, jawaahir si wanaagsan uma ayan dheehan carada kamuuqatay wajiga walaalkeed balse waxaa shaki geliyey sida xawliga ah eeuu ku dhinac maray isagoo aan xittaa inyar oo hadal ah ku oran, jawaahir walaalkeed waxa ay uga baratay inuu waji farxad leh ku salaamo xaaladeeda gaar ahaaneedna kawareeysto,jawaahir waxay si lama filaan ah gudaha ugu gashay qolkii ayaanle qacdii horeba waxay indhaheedu qabteen ayaanle oo jeex_jeexaya dhammaan buugaagtii uu waxkubaranayey sanad dugsiyeedkii lasoo dhaafay 1987-1988 xaaladda uu xilligaa ayaanle kusugnaa oo ay u aragtay mid lama gudbaan ah iyo garaadkeeda oo iska yar ayaa ku kallifay inay wax hadal ah ku biiriso walaalkeed waxayna si fudud uga baxday qolkii iyada oolayaabban dhaqanka cusub ee kusoo kordhay dabeecadaha ayaanle maadaama ay waxbadan ka ogeyd sida uu uxafidi jiray buugaagta iyo dhammaan qalabkiisa waxbarasho taasoo xittaa inqofkale ugacan dhaafo uu aad unecbaa! aabbe cali shirwac iyo hooyo ruumi maxamed oo ah waalidiinta ayaanle ayaa siwadajir ah ugasoo laabtay hawlmaalmeedkoodii ay subaxnimadan ukalaheen, dhanka kale jawaahir oo ka dhararsaneyd imaashiyaha waalidka si ay udarsan xaaladda iyo waxyaabaha uu tabanayo walaalkeed ayaanle ayaa islamarkiiba kutaabatay wixii warbixin ahaa, waalidiintu waxay islamarkiiba usii tallaabeen dhankii uukaxigay qolkii wiilkooda markii ay gudaha usoo dhaafeen waxay arkeen ayaanle oo sariirta dul rafanaya hareeraha sariirtii uudulsaarnaana ay daadsanyihiin waraaqo aad utira badan ooaad moodeysid inuu muddo badan qolkani ahaa meel waraaqaha lagu kaydiyo,cali shirwac markii uu darsay xaaladda ayaanle una arki waayey waxa wiilkiisa hayaa inayan ahayn xanuun, balse ay waxkale jiraan waxa uu durbadiiba bakoorad uugacanta ku hayey hurda kayeelkii kaga toosiyey ayaanle una daba dhigay inuu si huffan uga warramo waxyaabihii dhaliyey inuu sida qof waalan udhaqmo? …………La Soco Qaybta 2aad
WQ:- Axmed Maxamed Barrow ( Shooli Yare)
Soo Gudbintii:- Gacaltooyo Cali
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd.....Qeybtii 2aad
geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! qeybtii 3aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! qeybtii 4aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! qeybtii 5aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 6aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 7aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 8aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 9aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 10aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 11aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 12aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 13aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 14aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 15aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 16aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 17aad.
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 18aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 19aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 20aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 21aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 22aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! (Qeybtii 23aad)
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! "Qeybtii 24naad"
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! "Qeybtii 25naad"
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! (Qeybtii 26naad)
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! (Qeybtii 27naad)
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! (Qeybtii 28aad)
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! (Qeybtii 29aad)
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 30aad.
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 31aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 32aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 33aad
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 34aad





































anoo huba inuusan hal mar ah kadis ama mar qurra gelin ama ku dhalan jaceylku,
waayo waxa ka bilowda aragti ku cajab gelisa, dholacadeyn baryo la isdhafsadio iyo halkee degantahay ,adress ma ledahay iwm, balan, ......