Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Gaashaanle sare Maxamed Cismaan Wali oo ah taliyaha hogaaminayay Ciidamada dowladda ee saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Luuq islamarkaana la hadlayay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo uu hogaaminayay oo kuwa dowladda KMG ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Waxa uu xusay in Ciidamadii Xisbul Islaam ee halkaasi joogay ay isaga baxeen kadib markii Ciidamo ka tirsan dowaladda KMG ee Soomaaliya ay dhowr jiho ka soo galeen sida uu hadalka u dhigay iyadoona aysan jirin wax dagaal ah oo halkaa ka dhacay.
Gaashaanle sare Maxamed Cismaan oo ah taliyahii dhawaan dowladda KMG ee Soomaaliya ay u magacowday gobolka Gedo ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo in Ciidamada uu hor kacayo ay u sii gudbayaan deegaano kale.
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































