In inta badan lagu aamino oo lagu ixtiraamo waa arin aad u muhiim ah.
Hadba 5-tan qodob ayaad ku dhisi kartaa sidii laguu aamini lahaa.
Kuwaas oo kala ah:
1. Daacadnimo
Daacad noqo oo sheeg waxa aad taqaan iyo waxa aanad aqoon. Marka aad sheegtid waxa aanad ku fiicnayn ama aanad aqoon ayaa waxa ay ku dhalinaysaa dadka in ay ku aaminaan marka aad sheegtid waxa aad ku fiican tahay.
2. Ahoow qof shaqsiyad leh
Waa in aad ahaataa qof leh shaqsiyad lagu yaqaan oo ay kuu kala duwanaataa macnaha shaqsiyad iyo private.
3. Ku dadaal in lagu ixtiraamo
Ha isku daalin in lagu jeclaado, laakiin ku dadaal in lagu ixtiraamo.
4. Ha ka noqon waxa aad tiraahdo
Ha sii daynin waxa aad aaminsantahay oo halagaa arko in waxa aad aaminsantahay iyo sida aad u dhaqmaysaa ay is leeyihiin. Tusaale, hadii aad tiraahdo waan necebahay in been la sheego yaan lagu arkin adiga oo been sheegaya.
5. Ka fiirso gacma ka hadlkaaga
Qofka marka uuh adlayo ayaa waxa uu dhaqdhaqaajiyaa gacmaha, madaxa iyo qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah si uu hadlakiisa u sii xoojiyo. Markaa dhaqdhaaqaas waa in uu waafaqsan yahay hadalkaaga. Tusaale ahaan, hadii aad dhahdid qadada lagu siiyay way macaanayd adiga oo caro kaa muuqato waxa la arkayaa in aanad run sheegayan. Sidaa darteed ha is waafaqsanaadaan hadalkaaga iyo dhaqdhaqaaga jirkaaga.
Maxaa kale oo haboon in uu qofku samaeeyo si loo aamino?
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it



































