GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo Fanaanada Nimco Yaasiin oo mar kale sheegtay in hadda kadib loogu yeero magaca Burcad Jaamac Xirsi.

Fanaanada Nimco Yaasiin oo mar kale sheegtay in hadda kadib loogu yeero magaca Burcad Jaamac Xirsi.

E-mail Print PDF

Fanaanada caanka ah ee horey loogu yeeri jiray Magaca  Nimco Yaasiin Caraale , ayaa haatan adeegsaneysa Magac cusub oo la saanqaadaya nolosheeda , iyadoo haatan , da’deedu ay tahay 46 sano jir , kuna nool Magaalada London ee cariga dalka Britain , waxaana loogu yeerayaa Magaca Burcad Jaamac Xirsi,waxaana ay ku andacootay inay u doodi doonto Xuquuqda Carruurta la Xado, kuwa Qarsoodiga lagu Korsado, kuwa la Tahriibiyo, iyo kuwa Arxandarada lagula kaco.

Fanaanada Burcad Jaamac Xirsi oo dadka badankiisu u yaqaanaan Magaca  Nimco Yaasiin Caraale, ayaa ka hadashay ujeedada magaca cusub uu hugan yahay , waxaana ay tiri  “Sababta aan u go’aansaday shaacinta magacan ayaa ah inaan ogaaday in aan waalidkay ka lumay anigoo 3 sano jira, mudo 40sano ahna aan kala maqnayn aniga iyo waalidkaygii I dhalay, mudada intaa leegna aan ku abtirsanayay Reer aan ahayn reerkii dhalasho ahaan aan ka soo jeeday oo ah qoys I korsaday”

Fanaanadu iyada oo ka waramaysa sida ay qisadani u dhacday, markii ugu horaysay ee ay ogaatay in ay tahay qof ka lumay qoyskoodi, iyo sidii ay wax u dheceen ayay ku sheegtay sidan “Sanadkii 1992dii ayaan markii ugu horaysay maqlay Qoys ku doodaya in ay iyagu I dhaleen, oo aan aniga oo yar ka lumay, laakiin waan la yaabay, oo maan arag qof ciro leh oo qoys aanu ahayn ah, oo lagu doodayo, in uu dhalasho ahaan yahay cidkale” ayay tiri Marwo Burcad.

Mar ay ka hadlaysay jawaabtii ay siisay qoyskan cusub ee ku doodaya in ay ka luntay oo ay iyagu dhaleen iyo marxaladihii ay doodaasi soo martay ayay fanaanadu tidhi sidan “Qoyskaasi mudo 15sano ah ayay ila soo xiriirayeen , aniguna aan dagaal iyo diidmo xoogan la hortaagnaa, waxaanan sameeyay waxkasta oo aan lahaa waykaaga aamusi ama waad ku qancin kartaa, laakiin 15sano kadib ayuu Odaygu ii soo jeediyay in baaritaan dhiigga (DNA)da ah aan aniga iyo qoysku samayno si uu u soo afjarmo muranku”

Waxaanay fanaanadu sheegtay natiijadii baaritaankaa (DNA) uu noqday isbedel cajiib ah oo nolosheeda oo dhan badalay, waxaana baaritaankaa ku cadaaday ayay tiri fanaanadu in aan ahay Qoyska danbe, intaa kadibna waxaan dib u midawnay Hooyaday iyo Qoyskayagii, muddo ku dhowaad 50 sano aan kala maqneen”.

Waxa kale oo ay sheegtay Burcad Jaamac Xirsi markii ay ogaatay dhalasho ahaan cida ay tahay iyo dareenka ama su’aalaha ay nafteedu iswaydiiso tiri “Inkasta oo aan hadda ogahay natiijada cida aan ahay labada qoysna aan kala garanayo ka aan ahay iyo kii isoo korsaday, Hooyadaydii I dhashayna aan kulanay 43 sano ka dib iyada oo qarka u saran geeri, oo aanu kala maqnayn muddo aad u dheer, waxay taasi keentay in mawjado su’aalo, cajiib ah oo fara badan aan iswaydiiyo” ayay tiri Fanaanada oo aad uga murugeysan dhibka haleelay.

Waxaana ay intaa ka dib taxday su’aalo badan oo ay iswaydiiso kuwaas oo ahaa, Sidee ayay suuragal u tahay in ilmo yar oo lumay ay korsadaan qoys aan dhalin oo cidlo ka helay, kuna abaabiyaan abtirsiimo aan ahayn tiisii dhabta ahayd? Waa maxay faa’iidada ugu jirta qoyska in ay sameeyaan sidaan oo kale? Maxaa kalifa in uu qoys korsado ilmo aanu dhalin oo uu helay ama uu xaday?

Fanaanadan oo ka tirsan kooxda Qaranka ee Hobolada Waaberi ayaa reeraheeda ka luntay iyadoo 3 sano jir ah Magaalada Hargeysa , waxaana bishii October sanadkii 2007-di reeraheeda ay ku soo aragtay Magaalada Hargeysa oo hadda caasimad u ah Maamul-ka gooni isku taagga Somaliland .

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash