GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo Bulshadii Puntlandeey

Bulshadii Puntlandeey

E-mail Print PDF

Bulshadii Puntlandeey  ka digga Balada soo fool leh.

 

Maansadan waxaa la yiraahdaa (Bulshadii Puntlandeey) Waxaana tiriyay Abwaanka da'da yar Saadaq Cali Abshir oo la hadlaya Reer puntlaand gaar ahaan Maamulka,Boqorada iyo wax garadka

 

Maansadu waxa ay Abwaanku maskaxdiisu kasoo maaxatay kadib qafaal fara badan oo dhawaanahan ka dhacay Deegaanada Puntland Gaar ahaan Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Abwaaanku waxa uu Haal abuurkiisa ku cabiray Dhibaatada ay keeni karto Cuqubada laga galayo Shacabka reer Koonfureedka ah iyo sida ay Maamulka iyo wax garadkaba wax uga qaban la’yihiin,waxayna Maansadu ku bilaabaneeysaa Sida tan

 

1-Ba’da gabayga suugaan hadii Eebe kugu beero

Sidii Wabi butaacaa marqura loo bul-buliyaaye

Aduun yadan basaastaa wacyiga loogu badiyaaye

Waxa lagu Bayaanshaa bulshada kala bad-baadkeede

Bal aan eego baahida jirtiyo ba’iyo hoogeena.




2-Bal aan eego bariska maray bulshadi soomaali

Bal aan eego meesheey u badan booto lagu faano

Boosaasiyo dhulkaas bari ilmaha ba’a lagaajeeysan

Bara kicinta kuwa lagu hayee Maalki laga boobay

Madaxdii  Puntlandeey miyaan baalna laga eegin

Bulshadii Puntlandeey  ka digga Balada soo fool leh.




3-Booliiska Maatada ku burin magaca beeleedka

Qaxootiga laboobee layiri baadida fogeeya

Baaba’a kuwaa lagu hayee boorreey laga iibshay

Basaasiinta barqa cad wadan baraha diinteena

Balaayada ka soosocota iyo bilista oyneeysa

Bulshadii puntilaaneey ka diga Balada soo fool leh.




4-Bulshadii ku Nooleeyd halkaas caqligi meeybeeshay

Nin qabiilku baar dhaafay iyo bidciba yeelkoode

 Boosaasaay dadkii kugu badnaa wadnihi muu beelay

Baahanaha war mooga ah maxaa balo la gaarsiiyey

Boqoradii dhulkaa iyo baariyadi aaway

Bulshadii puntilaaneey ka diga Balada soo fool leh.




5-Boqoloow intuu xiran yahoo laabtu balaleeyso

Oo baad laquutiyo biyaha loodiidi

Inta uu amxaar baaro lihi Baran kaheesaayo

Boosaasiyo Garoowana Naflaha jeebo lagu boobi

Walaan laga biskooneeyn  baxar laqoolaaye

Bulshadii puntilaaneey ka diga Balada soo fool leh.




6-Baroortii dadweeynaha miyaan boqoradii daawan

Biliiliqo darteedii dadkaan Oohin bagi waayey

Kuwa lagu bahdilay ee marhore boonta lagu sheegay

Madaxdii putilaaneey miyaan baalna laga eegin

Samahoo la buun buuniyaa lagu baraaraaye.

Bulshadii puntilaaneey ka diga Balada soo fool leh.

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 

.

 

Last Updated on Sunday, 12 December 2010 01:42  


Newsflash