GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Al Shabaab oo Baladweyne ku Karbaashay dhalinyaro Ismasaafeysatay.

Al Shabaab oo Baladweyne ku Karbaashay dhalinyaro Ismasaafeysatay.

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa xukun Tacsiir ah ku fuliyay 3-qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Wiil iyo Gabar is masaafeestay.        

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, waxaa galinkii dambe ee shalay magaalada Baldwayne, Maamulka Xarakada Al Shabaab uu xukun Tacsiir ah ku fuliyay 3-qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Wiil iyo Gabar oo dhalinyaro ah oo Ismasaafeestay halka kan kalana uu ahaa ninkii isku mehriyay.

3-qof ayaa lagu Tacsiiray goob fagaaro ah oo ku yaala Xarunta Maamulka Baladweyne Halkasi oo goobjoog ay ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinata Al Shabaab iyo boqolaal dad wayne ah oo u soo daawasho tagay xukunkaasi Tacsiirta ah.

Qaadiga Maxkamadda Baladweyne ee Al Shabaab oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Wiilka gabadha masaafeestay lagu dhifanayo 15-Karbash halka gabadha lamasaafeestay iyana lagu dhifanayo 10-Karbaash, waxaana uu sidoo kale intaasi ku daray in ninka isku mehriyay oo ahaa qofka 3-aad ee la Tacsiirayay isna lagu dhifanayo 35-Karbaash, waxaana uu mar uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka go’antahay sii wadista howlgalo ka dhan ah dadka Ismasaafeesto oo uu sheegay in shareecada Islaamka ay meel uga dhaceen.

Qaadiga ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada amniga ee Al Shabaab ee magaalada Baladweyne ay sii wadaan howlgalda ay ku baadi goobayaan dadka ismasaafeestay iyo waliba kuwa kale ee ku howlan waxyaabaha ka dhanka ah Shareecada Islaaamka sida uu tilmaamay.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ka hadlay goobta Xukun uu ka dhacay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in labo maalmood ka hor dadka la Tacsiiray ay gacanta ku soo dhigeen, islamarkaana ay ku hayeen xabsi ku yaala magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash