GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo Tilmaamaha zawjka Suuban

Tilmaamaha zawjka Suuban

E-mail Print PDF

Qormadeena mantana waxay daba joogtaa maqaal horay u soo baxay oo ka hadlayay tilmaamaha haweenayda saalixada ah aniga oo dareensanaa in ay muhiim tahay in aan ka hadlo qormadeena manta ayay akhristayaasha qaarkoodna igu dhiiri galiyeen mar hadaan ka hadlay sifaadka zawjada wanaagsan in aan ka hadlo zawjka wanaagsan iyo tilmaamihiisa
Hadaba alle subxaanahu watacaalaa aad ayuu u karaameeyay haweenka wuxuuna ka dhigay mid la wadaagto ragga xuquuqda iyo waajibaadka caa,isha (r.c) waxay ka warisay nabiga (scw) hadaiis oranaya إن النساءشقائق الرجال )) sidaa darted ragu waxaaa cajabiya dumarka wanaagsan sidoo kalana dumarku waxaa cajabiya ragga wanaagsan mar haday sidaa tahay haweenaydu waxay xaq u leedahay inay doorato nin u dhigma ama wanaagsan oo saalix ah waliba waxaa ku waajib ah aabaha ama ruuxa waliga ka ah gabadha muslimada ah in uu u dooro nin wanaagsan oo diin u saaxiib ah
Hadaba hordhacaas gaaban ka dib waa maxay tilmaamaha ama sifaadka lagu dooranayo ninka wanaagsan ee ay gabadha muslimada ah la wadaagayso noolasha hogaankeedana ay u dhiibayso si uu u hogaansha doonta noolasha aduunka hadaba doorashada wanaagsan waa mida kuu horseedaysa tilaabada koobaad ee guurka iyo guri ku dheehantahay kalgacalo (mawado) iyo raxmada ama caksigeeda , tilmaamaha zawjka saalixa ah oo badan waxaan ka soo qaadanaynaa :
1. Mid diin u saaxiib ah :-
alle wuxuu yiri {وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ } ( البقرة 221 )

sidaa awgdeed ninka diinta u saaxiibka ah haduu jeclaado lamaanihiisa wuu karaamayni oo wuu sharfi haduu kala kulmo wuxuu ku naco ama uusan jeclaysan ma dulminayo ninka diinta u saaxiibka ah ma dulminayo haweenaydiisa haduu caroodo kana hijroonmaayo sabab l,aan ama wax aan macno lahayn uga tagi mayo xaaskiisa kulamana dhaqmayo mucaamalo xun mana aflagaadaynayo afadiisa iyo ehelkeeda minda gurigiisana ma keenayo wax alle xarimay nabigeena (s.c.w) isagoo boorinaya in aanan loo diidin ninka diinta u saaxiibka ah haduu idinka soo doonto gabar ayaa wuxuu yiri :-
من حديث أبي هريرة أن رسول الله  قال:” إذا أتاكم من ترضون دينه وخُلُقه فزَّوجوه إلا تفعلوه تكن فتنة في الأرض وفساد عريض “.
Sidoo kale nabigu (n.cw.)wuxuu yiri :
” خيركم خيركم لأهله وأنا خيركم لأهلي “.

Midka idinkugu khayrka badan waa midka idinkugu wanaajinta badan ooradiisa ama haweenaydiisa aniga ayaana idinkugu khayr badan xaaskiisa Marka aad u dhabagasho adilladaas iyo adilo kale oo badan oo ka soo aroortay nabigeena waxaaa kuu cadaanayso in ay waajib ku tahay waliga ama waalidka gabadhada guurdoonka ah dhalay ama mas,uulka ka ah in uu iska fiiriyo ninka uu ku aaminayo gabadha ama inantii laga soo jaray beerkiisa inuu fiiriyo akhlaaqdiisa iyo diintiisa intuba maxaa yeelay mar haduu dhaco nikaaxa waxay galaysaa gabadhaada gacanta ninka aad ku xirtay , sidaa darted hadaad siiso nin faasiq ah ama aanan tukanin ama khamrada caba waxaad khiyaantay gabadhaadii iyo amaanadii alle uu kugu amaansaday alle hortiisana waa lagu su,aali sidaa awgeed ku dadaal inaad gabadhaada u gacan galiso nin diin u saaxiib ah haba ahaado faqiir aan waxbo haysane .
2. Inuu kitaabka alle wax ka yaqaano :-

tilmaanta labaad ee laga doonayo ninka wanaagsan ee lagu dooranayo zawjka saalixa ah waxay tahay in uu kitaabka alle wax ka yaqaano haduusanba ahayn xaafid qur,aanka oo dhan waana shardi muhiim ah in ay gabadha muslimada ah ay ku doorato lamaanaheeda ay noolasha la wadaagayso nin wax ka yaqaano kitaabka ilaahay qisooyinka dhacay xilligii nabiga iyo saxaabadana aad ayay u fara badanyihiin waxaa dhici jirtay in ay gabadhahooda siiyaan nin adoon u ah oo kitaabka alle xifdiyay iyo dhacdooyin la mid ah sidaana waxay u yeeli jireen inay ka takhalusaan dhaqamadii xumaa ee jaahilga laga dhaxlay hadaba qisooyinkaas oo fara badan waxaan ku soo kooban karnaa faqradaan anakoo soo koobayno haweenaydii u timid nabigeena (s.c.w) iyo doodii dhexmartay qisadaas oo ay soo saareen bukhaari iyo muslim nabigana uuka wariyay saxaabiga sahal ibn sacad al-saacidii ayaa wuxuu yiri ( haweenay ayaa u timid nabiga (S.C.W) waxayna ku tiri waxaan kuugu imid inaan naftayda kuu hibeeyo nabiga haweenaydii ayuu kor iyo hoos u eegay ka dibna madixiisa ayuu raariciyay , waxaa istaagay saxaabi ka mid ahaa asxaabtii nabiga la joogtay wuxuuna ku yiri nabiga allow hadaadan xaajo ka lahayn ii guuri aniga – nabigu wuxuu waydiiyay xoolo maxaad ka haystaa ? saxaabigii wuxu ku jawaabay waxbo nabigi allow walaahi wax aan haysto ma jiraan .
nabigu wuxuu ku yiri oradoo aad reerahaagii si ay kuu kaalmeeyaan ka dibna nabigii ayuu ku soo laabtay isagoon waxba ka soo helin nabiguna wuxuu ku yiri wax un doon fargashi bir ahba allaha ka dhigee .
saxaabigii wuxuu ku jawaabay nabigi allow ma heli karo waxaan ka ahayn hoosguntigaas ii xiran mooyee ? ugu danbayntii nabigu wuxuu waydiiyay maxaad ka taqaanaa qu,aanka ? wuxuuna ku jawaabay suurad hebel iyo suurad hebel suurado dhawr ah ayuu tiriyay . ma wada xifdisantahay ayuu waydiiyay nabigu saxaabigii ? wuxuuna ku jawaabay HAA . nabiguna wuxuu ku yiri oradoo la tag waxaan kugu siiyay waxaad taqaano oo qu.aan ahe ) .
qisadaas oo siyaabo kale duwan looga soo wariyay nabiga (s.c.w) waxaad ka dheehan kartaa qiimaha uu leeyahay xaafidul qu,aanka iyo in lagu doorto zawjka wanaagsan inuu yahay xaafidul qu,aan .
3. Inuu ku soo koray deegaan wanaagsan :
ruuxa waxaa saamayn wayn ku leh deegaanka uu ku soo barbaaray haduu yahay deegaan diinta iyo cilmiga horsed u yahay ama uu yahay deegaan fisqi iyo jaahil hormuud ka yahay intuba ruuxa waxay ku yeelatdaa saamayn xoogleh sidaa awgeed nabigu wuxuu ku yiri hadiis ay soo saareen bukhaari iyo muslim kana wariyay saxaabiga siciid ibnu musayib (r.c.)
” الناس معادن كمعادن الذهب والفضة ، خيارهم في الجاهلية خيارهم في الإسلام إذا فقهوا “.
Dadku waa macaadinta dahabka iyo fidada oo kale waxa idinkugu akhyaarsan kuwiinii idin kugu akhyaarsanaa jahiligii haday diinta fahmaan
4. Nin dabacsan oo u tura Ehelkiisa ( Akhlaaq Wanaagsan)
gabadha muslimada ah waxa ku waajib ah inay doorato nin akhlaaq u saaxiib ah iyo dabacsanaan arinkaana ma ahan in ay gabadhuhu ka gaabiyaan ama ay sahladaan maxaa yeelay haduu ninku akhlaaq xunyahay ma suura galayso noolal guur iyo guri dhisan midna nabiguna wuxuu yiri (s.c.w.) isagoo arinkaa boorinayo aadna u amaanayo ninka akhlaaqda wanaagsan :
” أكمل المؤمنين إيماناً أحسنهم خلقاً وألطفهم بأهله “.
Walaasahyda muslimada ahay ogow inay akhlaaqda wagaansani inay tahay dulqaad,tawaaduc deeqsinimo iyo naxariis aad u xeeldheer .
5. Mid awood u leh Guurka ( awood Jismi ahaan iyo mid Dhaqaale ) :

nabigeena naxariis iyo nabad galyo korkiisa allaha yeelee wuxuu aad ugu booriyay dhalinyarada guurka wuxuuna yiri dhalinyaroow midkiinii awoodaa ha guursado
عبد الله بن مسعود  قال : قال رسول الله  :( يا معشر الشباب من استطاع منكم الباءة فليتزوج فإنه أغض للبصر وأحصن للفرج ومن لم يستطع فعليه بالصوم فإنه له وجاء )
Sidaa darted waxa shardi ah in uu ahaado ninka aad noolashaada ku aaminayso mid awood u leh guurka dhaqaale ahaan iyo jismi ahaan oo haweenayda u gudi karo shahwadeeda hadii kale wuxuu nabigu faray soon si ay shahwadooda u gooyaan.
6. Mid Aamin ah oo awood badan

tilmaanta lixaad waxay tahay ee laga doonayo inuu ku sifoobo zawjka saalixa ah mid amaano iyo awood u saaxiib ah allana wuxuu ku yiri suuratu qasas :
قال تعالى : {قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ ( القصص 26)
Ninka aan aaminka ahayn waxaa xaqiiqa ah in uu kula dhaqmo haweenaydiisa dhaqamo aad u liita sida inuu garaaco ama uu ihaanaysto waliba iyada oo ku dhiban hawsha guriga iyo barbaarinta ubadka in uu kula dhaqmo ficilo fool xun hadaba waxaad ku dadaashaa walaashayda muslimada ah ee guur doonka ahay inaad ku doorato saygaada amaano iyo dulqaad ninkana waxaa laga rabaa sabir iyo dulqaad aad u xeel dheer waayaabe adigoo lagu siiyay awooda iyo hogaanka afar dumar ah oogu dulqaadan waayi haweenay qura ?
Nabiguna ragga wuxuu faray inay dumarka u dardaarmaan khayr wuxuun
a yiri : -
وفي الترمذي وغيره عن النبي  قال: ” استوصوا بالنساء خيراً فإنما هن عندكم عوان “7.
Inay isu dhigmaan Ninka iyo Haweenayda (Takaafu) :
isu dhignaanshaha macnihiisu wuxuu yahay inay labada is dooranayso isu dhawaadaan mustawo Diineed iyo akhlaaqda iyo mid Bulsho intuba waxaana hubaal ah in uu shardigana qayb wayn ka qaadanayo liibaanta qoyska ama guurka naajixa ah kala fogaanshaha fakir iyo akhlaaqeed ama diin ahaana waxay keentaa anfariir iyo guuldaro guur si kastaba arinkaan oo ah mid aad u war badan culimada iyo fuqahada dhexdooda ayaa waxaa ka mid ah arimaha la doonayo in ay isaga mid ahaadaan lamaanaha noolasha wadaagayo arimahaan ”
• Diin ahaan : waana shardi si uu u ansaxo nikaaxa culumaduna way isku waafaqsanyihiin arinkaan
• Nasab ahaan : waxaa qabo jumhuurul culamaa marka laga reebo madhabka maalikiyada
• Dhaqaala ahaan : waxaa qabo imaamu axmed iyo imaamu abii xaniifa iyo qaar ka mid ah culumada shaaficiyada
• Xornimada : waxaa qabo
• imaamu abii xaniifa iyo imaamu axmed
• Shaqada : waxaa qabo imaamu abii xaniifa iyo imamu axmed iyo imaamu shaafici
• Ceeb la,aan (ceebaha daran) waxaa qabo imaamu maalik iyo imaamu shaafici iyo sheikh ibnu cuqayl oo ka mid ah culumada madhabka imaamu axmed hadaba waxaa xusid mudan in shuruudaas isku dhignaanshaha ah uu yahay shardiga kaliya ee la,aantiisa uusan ansaxaynin nikaaxu uu yahay midka diinta inta ka soo hartayse sharda uma ahan ansixitaanka nikaaxa laakiin labada is dooranayso iyo waalidiinta intuba xaq ayay u leeyihiin inay ictibaariyaan shuruudaas kale si ay u gaaraan liibaatana qoyska muslimka ah ee la yagleelayo
ugu dambaytii walaashayda muslimada ahay ka digtoonoow :-
• Guurka nin faasiq ah : gabadhii gursataa nin faasiq ah waxay ku caro alle iyo guul daro aduunyo .
• Guurka nin madhalays ah : maxaa yeelay nabigu wuxuu ku booriyay ragga inay guursadaan dumarka dhalmada iyo taranka badan sidoo kale haweenkuna waa inay doortaan nin aanan ma dhalays ahayn
• Guurka Ninka Dumarka garaaco : walaashay muslimada ahay ka digtoonoow ninka garaaca badan ee aanan usha deegta ka dhigin nabiguna wuu ka digay ninkaas.
• Ka digtoonoow labeebka
• Ka digtoonoow Taaruku Salaadka
• Ka digtoonoow Ninka balwada leh amaba Khamrada cabo
• Ka digtoonoow Ninka Dumarka Timaha u jaro
• Ka digtoonoow Ninka Ribada Cuno
• Ka digtoonoow dayuuska ka Sheekeeyo sirta Haweenaydiisa
• Ka Digtoonoow Bakhiilka
Iyo dhamaan nin kasta oo ku sifaysan tilmaamaha ka horjeedo diinta islaamka
Waxaan alle waydiisanayaa in uu gabadhaheena u calfo lamaane wanaagsan oo ku sifaysan tilmaamahaas aan soo xusnay .
W/Qoray:- Abuu C/Raxmaan C/Laahi Maxamed Nuux...
>> soo gudbiye-cumar-farouq>>
Fiiro gaar ah...fadlan ikhwaani waxaan idinka codsanaya inaad igusoo wargelisaan wixii ka qaldan amma sixid u bahan si aan dib ugu saxno wscleykum wraxamtuLAAHI wabrakaatuhu..

Muslim weman....  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash