GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Gudoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee North Ameerika oo ku Baaqay in la Joojiyo Colaadaha Mudug.

Gudoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee North Ameerika oo ku Baaqay in la Joojiyo Colaadaha Mudug.

 

Jaaliyada Gal-Mudug ee Waqooyiga Ameerika ayaa baaq kasoo saartay Dagaalo dhawaan Labo beelood ku dexmarayay Deegaano ku dhaw dhaw Magaaladaa Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Mudane Maxamuud Kudun Xiimaa oo ah Gudoomiyaa jaaliyadda galmudug ee North Ameerika oo soo saaray Baaqan ayaa Codsaday in si shuruud la;aan ah loo damiyo Colaadaha kasoo cusboonaaday gobolka Mudug iyo kan Galgaduud.

Gudoomiyaha ayaa u soo jeediyay Beelaha halkaa ku diriraya in ay dabka damiyaan isla markaana ay ku wada Noolaadaan daris wanaag iyo walaalnimo, waxa uuna tilmaamay Gudoomiye Kudun in Colaada aysaaan dan ugu jirin Beelaha Walaalaha ah ee ku dhaqan Deegaanadaasi..

Gudoomiye Maxamuud Kudun ayaa waxa uu Maamulada P/land iyo G/Mudug ugu baaqay in ay si wada jir ah wax uga qabtaan Colaadaha soo Noq Noqday ee Gobolka isagoo dhanka kale si gaar ah G/mudug ugu baaqay in wax wayn ay ka qabtaan arimaha cakiraan ee ka jira Deegaanada Gal-Mudug sida Abaaraha iyo Colaadaha .

Mudane Kudun  ayaa ku balan qaaday in ka Jaaliyad ahaan ay diyaar u yihiin in ay wax Muuqda ka qabtaan Baahida reer Gal-mudug ee dhinacyada Hormarinta Deegaanka isagoo sheegay in ay diyaar la yihiin Taageero Hiil iyo Hooba.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it              This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash