GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Banaanbax lagu dalbanayo in barlamanka KMG Soomaaliya ay ansixiyaan Xukuumadda oo Muqdisho ka dhacay

Banaanbax lagu dalbanayo in barlamanka KMG Soomaaliya ay ansixiyaan Xukuumadda oo Muqdisho ka dhacay

Dibad baxani oo ay soo abaabuleen Ururada Bulshada iyo Haweenka gobolka Baanadir ee Taageersan Madaxweynaha ayaa waxa uu ahaa mid Baarlamaanka Soomaaliya looga codsanayay inay anisixiyaan Xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo.

kasoo qayb galayaasha Banaanbaxa ayaa socod dheer ku soo maray meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyagoo tagay Albaabada Hotello ay dagan yihiin Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

geba gabdii Dibad baxa ayaa Dadku waxa ay kusoo uruureen iridda hore ee Madaxtooyada , waxaana halkaasi ka hadashay gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in barlamanka Soomaaliya looga baahanyahay in codka kalsoonida ah ay siiyaan Xukuumadda waliba si gacanta taag ah hadii kalana ay la kulmi dfoonaan kacdoon Dadweyne.

Dibadbaxyada ka dhaca Deegaanada ay Dowlada Maamusho ayaa intiisa badan waxa uu yahay mid lagu taageero hadba halka uu Siyaasada u wado Madaxweyne Shariif taasi oo muujinaysa in Dibad baxayaasha aanu wax dan ah ka lahayn Siyaasada Guud ee Dalka balse ay yihiin Taageerayaasha Madaxweynaha ay siyaasadiisu godka sii gashay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 


Newsflash