Waxaa kulan Balaaran oo lagu Daah furayay Ururka Dhalinyarada Iskaashiga iyo Cawinaada uu ka dhacay Qeybta Shirarka ee Folka Hus ee Xaafada Rinkeby ee Magaalada Stockholm.
Kulanka oo ay ka soo Qeyb Galayn Aqoonyahano,Culumo Udiin,odayaal dhaqameyd,Haweyn iyo waliba Dhalinyaro ayaa waxa uu ku furmay hab daganaan ah ayada oo intii uu kulanka socday daadihinayay al ustaad cusmaan Barre ibraahim (Tolmaan) waxaana kulanku lagu daah furay aayadaha Qur,aanka Kariimka ah oo uu aqriyay cabdirizaaq xassan Mayow.
Waxaa Islamarkiiba Goobta Qudbad xiiso badan ku furay Gudoomiyaha ururka Iskaashiga iyo Cawinaada Mr:Maxamed Yaasiin Xaaji asaga oo Gudoomiyuhu soo dhaweeyay Dhamaan ka soo qeyb Galayaasha ugana Mahad Celshay Sida ay uga aqbalayn in ay Maanta kala soo Qeyb Galaan Kulankaan Taariikhiga ah Gudoomiye Maxamed Yaasiiin xaaji ayaa Gunta loo aas aasay ururkaan ka dhawaajiyay.
asaga oo Gudoomiyah u sheegay in uu ururkan ku bilowday Fikrad ahayd sida u daciifsan tahay xiriirka iyo istaakulaynta u dhaxeysa Bulshada Gaar ahaan kala war la,aanta iyo baahida aqoon iyo kaalinta daryeelka bulshada tasoo uu sheegay in ay ku xanbaartay Maantay dhalinyaradaan Wiilasha iyo Gabdhaha ah ee ku mideysan ururkaan in ay ka dhiidhiyaan intii awodooda ahna wax ka Qabtaan.
Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in ururka Iskaashiga iyo cawinaada uu lee yahay Gudoomiye labo ku xigeyn iyo Golle Dhexe oo ka kooban ilaa Lix xubnood labo ka mid ahna yihiin Gabdho tasoo uu sheegay in ay tilmaameyso sida ay ururkaan u yahay mid ay u dhan tahay Qeybaha Dhalinta wiilal iyo Gabdho.
Gudoomiyahay ayaa sheegay in ay lee yihiin xeerar iyo hab ay ku howl Galaan asaga oo ku boorshay in ay Muhiim tahay in la tageero dhamaan ururada wax u Qabanaya Bulshada asaga oo ku soo Gaba gabeeyay in ay ururkoodu balan qaadayo in uu ku shaqeyn doona Wax Qabad muuqda oo uu Qabto Sanooyinka soo socda.
Waxaa sidoo kale qudbad Xamaasad bada soo jeedshay Gudoomiye ku xigeynka ururka Jamaal Maxamed Bariise asaga oo Mahadcelshay islamrkaana si qoto dheer uga sii hadlay Wax qabadka ururkii sidoo kel waxaa qudbad xiio badan ka hadlay Mxamed Macalin Cumar oo ka mid ah Gudiga dhexe ee ururka Iskaashiga iyo cawinaada.
Waxaa sidoo kale intii uu socday Kulanka Wacdu Diini ah ka soo jeedshay kulanka Sheeq Cismaan Qoryoleey asaga oo shiiqu Diiradu saaray Ahmiyada Iskaashiga iyo Cawinaada uu u lee yahay Bulshada iyo waxa ay Diinta Islaamka ka Qabto Shiikha ayaa ku boorshay Ururka Iskaashiga iyo Cawinaadu in ay ka dhabeyaan Howsha ay hayaan oo uu sheegay in ay tahay mid Diiniyan ay ka helayaan ajar badan.
Sidoo kale ayaa waxaa ka hadlay Goobta Maxamed Xassan Cumar (Masaari) oo Ka hadlay Kaalinta Dhalinyarada Looga baahan yahay asaga oo aad ugu Boorshay in ay muujiyaan dadaal iyo in ay Kalin Fir fircoon ku yeshaan Ururuka Iskaashiga iyo cawinaada Sidoo kale ayaa waxaa ka mid aha dadkii ka hadlay Khaliif muxumud xaaji (Goobe) Xassan Shelare,Bashiir Madoobe,Dr:Sharaxle iyo Shamsu diin kunma kala hadlayay afka odyaasha iyo aqoon yahanada ayaa Dhamaan Tageero balaaran u fidiyay ururk ayaga oo talooyin wax ku owl ahna halkaasi ka siiyay Ururka.
xaflada ayaa waxaa Qeybtii labaad waxaa looga hadlay Dood la dhex dhigay qeybihii ka soo qeyb galay ayada oo Qodobadii ka soo baxay ay sii ambaqadayaan Gudiga sare ee ururka sidii loo taba galin lahaa ayada oo sidoo kale logu balamay in Bisha januari ee soo socota loo qaban lahaa kulan weyn oo ay isugu yimadaan qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo noqonayaa wajiga labaad ee ururku Bulshadiisu uga radinayo sidii U garab istaagi lahayen Ururka Iskaashiga iyo Cawinaada.
Guntii iyo Gaba gabadii ayaa Gudoomiyaha Ururka Iskaashiga iyo Cawinaadu Waxaa uu Hambalyo u diray Dhamaan Bulshada asaga oo ugu Hmabalyeyay Udhalashada ururkaan Gaar ahaan ayuu u diray Gudoomiyhu fartiin jaaliyadaha Beesha Shekhaal ee ku nool wadamada Qaaradaha Aduunku sidii ay kaalin lixaad leh uga qaadan lahayeen Ururkaan.
Maxamed xassan Cumar xubin joogta ah

Xariirirye cismaan Tolman

Gudoomiyaha ururka Mr:yasin yasin xaji (cagmadhige)

Fadhiga Ururka iyo kasoo Qeyb galayaashii Kulankii

Fadhiga Ururka iyo Ka soo Qeyb galayaashii Kulanka

Fadhigii Kulankii iyo Kasoo Qeyb Galayaashii Kulanka

Fadhigii Kulanka iyo Kasoo Qeyb Galayaashii Kulanka
Wararka Geesguud.com Stocckholm
Jawaahir Abdi Daahir
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it



































