GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Maqaallo (ILA QOSOL)

(ILA QOSOL)

E-mail Print PDF

ISKA DHAADHICI:

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baritaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa uu bal helo. Dhakhtarkiise wuxuuna dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn.

Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuunsanayn markaas ayaad bogsan doontaa." Ninkii ayaa yiri "Waahagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarii yiri "War
ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yiri "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

 

 Halkan hada ka dib wixi sheekooyin Somali & ila qosol aad heshaan ku soo qora saaxibayaal.

Nin ayaa wuxuu dhalay wax ilmo ah hal gabar markay 5 sano gaartay ayuu ka socdaalay oo uu dibada ka aaday, waa danbe ayuu soo laabtay waxaana loo sheegay in gabadhii la guursaday oo ciyaal ay dhashay hase ahaatee gabadha waxaa guursaday mid aad iyo aad u gaaban oo cilin ah asaga iyo sadexda ciyaalkaa way is le'eg yihiin.....

laakiin hal meel ayay ku kala wayn yihiin odaygii ayaa maalinkii danbe soo booqday markay ciyaalkii ku yaaceen ayaa waxaa is iloobay kii gabadha qabay oo asna ku orday odaygii....

wixiina waa gaaban yahay odaygiina wuxuu ku bilaabay inuu qaad qaado ciyaalkii laakiin isagii markii uu kor u qaaday ayaa waxaad budh aad moodo ayaa odaygii xabadka kaga dhaceen ...

odaygiina waa naxay markaasuu ku yiri gabadhiisii naa maandhay kani ragsanaa ma kii ugu waynaaabaa ???

markaasay inta qososhay tiri alla alla aabe dhig dhig kani waa ninkaygiiye.  

Hadda ka hor ayaa oday la oran jiray TOOXOOW wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta YOOMAL_QIYAAMO iyo sida Gaalada loo cadaabayo maalintaas.

Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan:

Dhabareey: Ar Tooxoow ahaa..... xaa la sheegay beriga.
Tooxoow: nabadi ma jirto beriga
Dhabareey: Saay wax u juraan?
Tooxoow: meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay Yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay
Dhabareey: Haye.
Tooxoow: Haye xay tahay?.... Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso.
Dhabareey: Kix kix kix kix , Ya qiyaamaha ma isbaaradii Habarta (Habar-Gidir) aa u qabtaa ee loo gambaayay? ..........

wuuna ka dhaqaaqay asagoo sii leh "....wuxu caqli xumaa caqliga caaro kaa xuubsatay". 

Aw Kuuku Garoob Gaad...WWW.GEESGUUD.COM

 
 
 
 
 
 
 
 
Last Updated on Thursday, 29 October 2009 00:41  


Newsflash