GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Qaxooti somali maanta bannaanbax ka sameeyay stockholm

Qaxooti somali maanta bannaanbax ka sameeyay stockholm

Waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa sii kordhaya mudadda laga sugo warcelinta maxkamadaha qaabilsan jawaabsiinta qaxootiga ee la xiriirta dalabkooda magangelyodoon middaasina ey ugu wacan tahey culeyska hoowlahaa oo aad ugu sii kordhay.

 

Inkasta oo ey hoos u dhacday gaarteyna toddoba bilood sannadka halkii ey sannadkii hore gaarsiisneyd sagaal bilood isku celcelin jawaabta ugu horreeysa ee ey bixiso heyadda socdaalku, ayaa haddana waxaa la dareensan yahey in muddada ey qaxootigu ku sugan yihiin xeryaha loogu talo galay ey kor u kacday sannadka gaarteyna 16 bilood, halkii ey sannadkii tagey gaarsiisneeyd 12 bilood.

Xaqiiqdu waxa ey tahey in dhammaan dadyoowga diidmada la siiyo ey codsigooda u gudbiyaan maxkamadaha qaabilsan hoowlaha qaxootiga, waana halka ey masiibadu ka aloosan tahey. Sida uu sheegey sarkaalka magaciisa la yiraahdo Mikael Persson, kana ah madax waaxeed heyadda socdaalka in sidoo kale ey caqabad noqotay maadaama ey aad kor ugu kaceen dadyoowga soo codsada sidey dalka ugu iman lahaayeen qaraabo ama xaas/sey ahaan, iyadoona aan la fileeyn tiro intaasi gaarsiisan. Hase yeeshee sida uu Mikalel Persson sheegey ey gacan iska siinayaan heyadda socdaalka iyo maxkamaduhu sidii muddada jawaab-sugidda nabadgelyo doonka loo dhimi lahaa..........

geesguud.com

 


Newsflash