Maxkamadaha dalka
Ku xigeenka Qunsulka Soomaalida ah ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu ka warbixiyay Xukuno kala duwan oo Maxkamadaha dalka Yemen ay ku direen rag lagu eedeeyay in ay yihiin Kooxo Burcad badeed Soomaalida ah kuwaasi oo isugu jira Dil iyo Xabsi sanado ah.
Waxa uu sheegay in raga la xukumay ay ka koobnaayeen 3-qeybood oo uu sheegay in kooxdii ugu horaysay ay ahaayeen 12-qof kuwaasi oo weeraray Markab laga leeyahay dalka Yemen islamarkaana ay ku dileen 2-qof 4-kalana ay ku dhaawaceen, waxaana uu sheegay in 12-kaasi qof 6-kamid ah lagu xukumay dil halka 6-da kalana lagu xukumay Xabsi 10-sano ah.
Waxa uu sidoo kale intaasi ku daray in qeybtii 2-aad ay ahaayeen 10-Burcad badeed ah kuwaasi oo Ciidamada Ruushka ay ka soo qabteen xeebaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay u gacan galiyeen Ciidamada dalka
Qeybtii ugu dambaysay ayuu sheegay in maalinimadii shalay Ciidamada Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay u gacan galiyeen dowladda
Xuseen Xaaji Axmed oo isagu ah ku xigeenka Qunsulka Soomaalida ah ee magaalada Cadan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Yemen ay sheegtay in raga lagu xukumay dilka ay horay u dileen dad u dhashay dalka Yemen islamarkaana ay waxyeelo u geysteen Markab laga leeyahay dalka Yemen, waxaana uu intaasi sii raaciyay in raga kale ee ay Xabsiga dhigtay dowladda Yemen ay ku sheegtay in ay u soo gacan galiyeen Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya maadama dowladda Yemen ay sheegtay in ay qeyb ka yihiin la dagaalanka Burcad badeeda inkastoo wax Ciidamo ah aysan ka joogin Xeebaha Soomaaliya.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































