
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale ku dooday in sharci ay tahay Kursiga uu ku fadhiyo ee Gudoonka Baarlamaanka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sharci daro ay tahay hadalada ka soo yeeraya Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan inuu dhamaaday waqtigiia, waxaana uu carabka ku dhiftay in aanay taasi waxba ka jirin.
Waxaa uu sheegay in aanu waqtigiisa dhamaan, isla markaana uu wali yahay Gudoomiyaha sharciga ee Baarlamaanka, isagoo ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay doonayaan in ay bur buriyaan qaranka Soomaaliyed.
Mar wax laga weydiiyay hadii xilkiisa loo arko in ay maslaxada Umada ku jirto inuu ka dago, ayuu sheegay in taasi uu diyaar u yahay, isla markaana uu isago sharciga dhowrayo sida uu hadalka u dhigay.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in aanay dib u dhici doonin Kalfadhiga Baarlamaanka ee maalinta berrito ah, waxaana uu si cad u sheegay in Kulanka Baarlamaanka uu berri ka furmi doono Xarunta Golaha Shacabka.
Guuxa weyn ee ku dhex jira Baarlamaanka ayaa ku wajahan jiritaanka Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo uu cirka isku shareerayo is qab qabsiga u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































