GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Culuma’uduunka Ahlu Sunnah ee Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose oo dallad cusub ku dhawaaqay( Sawiro.)

Culuma’uduunka Ahlu Sunnah ee Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose oo dallad cusub ku dhawaaqay( Sawiro.)

Culumaa’udiinka kasoo jeeday gobolada Jubooyinka iyo Shabeelaha hoose ayaa maanta shir balaaran ugu soo gaba gaboobay magaaladda Muqdisho, kadib markii shir 15 cisho soconaayay ay ku dhisteen dallad u gaar ah.

Culumadaan ayaa maanta ku dhawaaqay dallad u gaar ah, taasoo la-sheegay inay la-dagaalami doonto kooxaha Islaamiyiinta ee kasoo horjeeda xukuumadda Soomaaliya.

Shirkaan oo soconaayay 2 todobaad ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan inta xubnood uu ka kooban yahay dariiqada Ahlu Sunnah Wal Jameeca, waxayna sheegeyn dhamaantood inay halmeel kasoo wada jeedsan doonaan, xilli ay dowladda kmg ee Soomaaliya ugu baaqday inay wax ka qabtaan xaaladda amni daro ee ka jirtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dallada ay maanta ku dhawaaqeyn culumadaani ayaa waxaa loogu magac-daray (Golaha Ahlusunna waljamaaca ee Gobolka sh/hoose iyo Jubooyinka), sidoo kale wuxuu ku bilowday jawi degan, wuxuuna kusoo idlaaday sidii loogu tala galay.

Dhanka kale Culumadaa’udiinkii shrikaan kasoo qeyb galay ayaa waxaa laga xusi karaa Sh.Cali Muumin.Sh.Xassan yuusuf. Sheekh Cali Maye. Sh.Murjaan. Sh.farxaan.Sh.Nuur Sh.Axmed yare.Sh.Maxamed Biyamaaloow iyo kuwa kale oo badan.

Si kastaba ha’ahaatee dadka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, ayaa ku jahwareersan siyaadda ka socota dalka Soomaaliya, iyagoo shacabka ka dharagsan inaysan waxba isdhaamin kooxaha ku hardamaaya magaaladda Muqdisho.









This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash