Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo Madaxa Siyaasadda arimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa galabta kulan looga hadlayo arimaha Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Brussales ee dalka Biljimka.
War saxaafadeed uu siiyay wakaalada wararka ee dalka Kuwait kadib kulankaasi ayaa Raii’sul Wasaare Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali sharma’arke waxa ku sheegay in isaga uu halkaasi u tagay si Midowga Yurub uu kala hadlo sidii loo taageeri lahaa Dowladiisa oo la daalaa dhaceysa dagaalo kaga imaanaya dhinacyada ka soo horjeeda iyo sidoo kale arinta burcad badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haya maraakiibta ganacsi ee isticmaala xeebaha wadanka Soomaaliya.
Sharma’arke waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan safardooda isagoona sheegay inay qorsheenayaan in ay tagaan qaar ka mid ah dalalka carabta oo ay kamid yihiin
Madaxa siyaasada arimaha dibada ee midowga Yurub ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo isagoona sheegay in midowga Yurub ay dowlada KMG ka caawinayaan dhinaca maaliyada islamrkaana beesha caalamka ugu baaqayo in ay bixiso lacagihii horay loogu balanqaaday Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee maalmihii ugu dambeeyay ayaa Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo waxay booqasho ku marayeen qaar ka mida dalka reer Yurub taasoo ay ku doonayaan in ay taageero ugu helaan dowlada KMG ee Soomaaliya iyagoona horay magaalada London ee xarunta dalka Britain kula kulmay masuliyiin katirasan dowladaasi.
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































