GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dayuuradaha dagaalka Kenya oo duqeyn khasaare geysatay ku qaaday degaano ka tirsan Degmada Hoosingow

Dayuuradaha dagaalka Kenya oo duqeyn khasaare geysatay ku qaaday degaano ka tirsan Degmada Hoosingow

Dayuurado dagaal oo la aaminsan yahay iney leedahay dowlada Kenya ayaa gelinkii dambe ee shalay duqeeyey degaan lagu magacaabo Booko oo hoos taga degmada Hoosingow ee gobolka Jubada hoose, waxaana duqeyntaas uu khasaare nafeed ka soo gaaray dad shacab ah.

Wararku waxay sheegayaan in duqeyntaas ay fuliyeen dayuuradaha Kenya nooca dheereeya ee loo yaqaano Miiga, kuwaasoo la sheegay iney bambooyin ku garaaceen degaano ku yaala duleedka degmada Hosingow, iyadoo dadka goobahaas ku noolna ay sheegeen iney cabsi badan dareemeen

Illaa hadda Faahfaahin lagama haayo khasaaraha duqeyntaas ka dhashay Al-shabaabna ka kama hadlin, hase ahaatee saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in la duqeeyey fariisimo xoogaga Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Booko oo 30-km u jira degmadaHosingow khasaare xoogana loo geystay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash