Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay weeraro kala duwan oo uu xusay in ciidamadooda ay ka geysteen saacadihii ugu dambeeyey degaano ku yaala gobolada Bay, Banaadir iyo Jubada hoose.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka 1aad ay wadada ugu galeen kolonyo ay la socdeen ciidamo Kenyan oo ka soo baxay degmada Badhaadhe kuna sii socday degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.
“Weerarkaas kamiinka ah waxa cadowga loogu geystay khasaare badan 3 gaari oo iskugu jiray kuwa Towga loo yaqaano iyo qaar siday saad ciidan baa halkaas lagu gubay, qaar kalena waxyeelo ayey mujaahidiintu u geysteen, askar badana halkaas waa looga laayey cadowga” ayuu yiri Abuu Muscab
Dhinaca kale, Abuu Muscab ayaa shegay in ciidankooda ay shalay weerar ku qaadeen Suuqa xoolaha magaalada Baydhabo, ayna halkaas ku weeraraan ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo lacago canshuuro ah ka urursanayey ganacsatada xoolaha, isagoo tilmaamay in goobtaas ay ku dileen 3 askari.
Weeraro kale ayuu sheegay Abuu Muscab in ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Somalia oo marayey Lafoole iyo fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Dayniile, wuxuuna xusay in dagaalo goobahaas ay ka socdeen illaa xalay ayna khasaare ku gaarsiiyeen cadowga sida uu yiri.
Dhinaca kale, afhayeenka ayaa sheegay in weeraradaas uu dhinacooda uga dhaawacmay hal askari, hase ahaatee ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya guulahaas ay Al-shabaab sheeganeyso, lamana hayo war ka soo baxay ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye oo ku saabsan weeraradaas.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































