GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Kooox Hubeysan oo ku dilay Magaalada Garowe Taliye kuxigeenkii Ciidamada daraawiishta Puntland

Kooox Hubeysan oo ku dilay Magaalada Garowe Taliye kuxigeenkii Ciidamada daraawiishta Puntland

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ragg Hubeysa ay xalay fiidkii ku dileen Magaalada Garowe Taliye kuxigeenkii Ciidamada booliska Puntland, iyadoo dilkiisa uu ku soo aaday maalin kadib markii xil ka qaadis aan la shaacin lagu sameeyay.

Sida ay sheegayaan wararka kooxaha dilka geystay oo ahaa labo nin ayaa Sarkaalkan oo gaari watay, isla markaana aan ilaalo la socod ay ku dileen mid ka mid ah xaafadaha Garowe, salaadii maqrib kadib.

Taliye kuxigeenka oo lagu magacaabo jiray C/llaahi Saalax ayaa la ogeyn dilkiisa cida ka dambeysay, inkastoo saraakiisha ammaanka Puntland ay xaqiijiyeen inay ku raad-joogaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa warqad soo baxday 1-dii bishan xil ka qaadis ugu sameeyay Taliye kuxigeenkan xalay la qaarijiyay, waxaana dilkan uu noqonaya kii u horeeyay ee sarkaal ka tirsan Puntland loogu geysto Magaalada Garowe muddo sanado ah.

Habeen hore ayay aheyd markii Xeer ilaaliyihii Maxkamada Gobolka Mudug ee Puntland lagu qaarijiyay Waqooyiga Magaalada Galkacyo, markii ragg bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen meel ku dhow hoygiisa

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash