Dagaal ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhow Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin halka lagu magacaabo Xoosh, halkaasoo xoogag taabacsan Al-Shabaab ay soo weerareen.

wararka dagaalka ka soo baxaya oo ahaa mid dhinacyada dagaalamay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ayay wararku sheegayaan inuu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Col. C/llaahi Cagey oo ka tirsan Saraakiisha sare sare ee Ciidamada milateriga, isla markaana heysta aagga Xoosh ayaa sheegay in weerarkii xalay qasaare lagu gaarsiiyay Shabaab, isla markaana la iska caabiyay sida uu yiri.
"Xalay waa na soo weerareen, waana la iska caabiyay, ayaga ayuuna qasaaraha ku dambeeyay, waxbee jiidanayeen oo meydad iyo dhaawacyo ahaa"ayuu yiri Col. Cagey.
Col. Cagey ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay gaari doonaan deegaanada loo barakacay Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye, isagoo xusay in qorshahooda dagaal aanay hada diyaar u aheyn inay ka hor dhacaan.
Dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Dharkeenley ayaa qeyb ka ah dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada habeenkii ay ku soo qaadeen dagaalyahanada Shabaab.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































