Ciidamadan oo la sheegay in ay wataan illaa konton gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada daabula ayaa saldhig ka samaystey wadada isku xirta degmada Guriceel iyo Ceelbuur.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel ee ururka Ahlu Sunna Cismaan Ciise Nuur ayaa sheegay in ujeedada ciidamadan u joogaan gobolka ay tahay sidii ay gacan ugaga geysan lahaayeen in laga saaro ururka Alshabaab deegaanada ay ka joogaan gobolka Galguduud.
Waxana uu Guddoomiyuhu sheegay in ay kulamo la qaateen saraakiisha horkacaysa ciidamadan ayna isku raaceen in weeraro qorsheysan lagu qaado degmooyinka uu uruka Alshabaab kaga sugan yahay gobolka Galguduud.
Degmooyin ay ka mid yihiin Ceelbuur,Ceeldheer iyo Galcad ayaa ka mid ah deegaanada ugu waaweyn ee ururka Alshabaab uu gacanta ku hayo gobolka Galguduud.
Dhowaan ayaa ciidamada Alshabaab waxa ay weerar kedis ah ku soo qaadeen degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud dagaal qaraar ku dhex maray iyaga iyo ciidamada Ahlu Sunna. Waxana uu geystey dagaalkan qasaare xoog leh oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ahba This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































